Waxa aan wada arragnaa in dad badan oo beelaha Soomaalidda ka kala tirsan u tartamayaan labada kursi ee ay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya dooraan doonaan. Kuraastaas midkood, ahna kan loogu hor dooranayo waa Raisul Baarlamaanka ama Af-hayeenka Baarlamaanka qofka sida uu u yaqaan.
Waxa aad moodaa in ay dad badan kursigaas hunguri ka hayey iyada oo uu Raisul Baarlamankii hore iyo inta ku fikradda ahba ku dadaalayeen inuusan soo bixin qof DigilMirifle (Raxanweyn) ah oo booskaas musharax ahaan isugu soo taago si ay u dhacdo in booskaas kolkan loo doorto qof beelaha Daarood, ama Hawiye ama Dir amase Beesha Shanaad ka tirsan. Taas oo tabta ku xigta la moodayo in ay tahay in musharaxa DigilMirifle ee booska Madaxweynaha isku soo taago ay u fududaato in uu ku guuleysto booska Raisul Jumhuuriyaha ama hadduu waayana uu ka mid noqdo shakhsiyaadka ay dhici karto in booska aan la dooran ee marka dambena awooda booba, waa kan Raisul Wasaaraha ee, loo soo magacaabo.
Arrintaas hadda waa ay fashilantay oo waxaa jira mudaneyaal baarlamaan oo DigilMirifle ka tirsan oo booska Raisul Baarlamaanka isku soo sharxay.
Inkasta oo uu habka 4.5 ah ee awood qeybsiga u caado u lahaa in booska Raisul Baarlamaanka uu ahaa mid DigilMirifle looga bartay inuu ku fariisto, doorasho wax jilaad ah ka dib, waxaa hadda jira su’aalo taagan oo dhahaya – oo Hawiye iyo Daarood ma dhaxal bay labada kursi ee Madaxweynaha iyo Raisil Wasaaraha u heleen? DigilMirifle-na ma dhaxal ahaan buu u heley kursiga Raisul Baarlamaanka?
Waxa aad moodaa in Dir-ta dhinac wax laga mariyey sababo lala xiriirinayo gooni isku taaga Somaliland oo intooda badan ku urursan yihiin lala xiriirinayo. Haddii ay sidaas tahay, maxaa diidaya in Daaroodka intiisa Puntland isku urursatayna saddexda kursi dhinac looga weeciyo?
Waa mid taas la mid ah ee, maxaa diidaya in Hawiyaha kuwooda Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb isku urursadey iyagana dhinac la isaga dhigo?
Waa mid kale oo taas la mid ah ee maxaa diidaya in kuwa soo galootiga ah ee Kenya iyo Ethiopia salkoodu yahay ee marna Azania ku riyoonaya marna Jubaland oo dadkii deegaanka deganaa kula dhegan iyagana dhinac la isaga dhigo?
Yaa harey oo saddexdaas boos ku kala haboon?
Marka aad sida sare wax u eegto, waxa aad moodaa in dadka Soomaaliyaba u soo harey ee ay dhibteeda ugu daran dilooday yihiin inta degta wixii “xuduudaha” Ximan & Xeeb koonfur ka soo xiga ilaa xuduudada Ethiopia iyo Kenya laga gaaro oo ay Soomaalida nabadda loo diidey oo dhan wada degto isuguna jirto Daarood koonfureed, DigilMirifle, Dir koonfureed, Hawiye koonfureed iyo beesha shanaad.
Haddii xaalka sidaas yahay, maxaa mudaneyaasha baarlamaanka cusub ee koonfurta Soomaaliya u diidaya in ay isbaheystaan oo ay si dhab ah uga fikiraad shakhsiyaadka ay Raisul Baarlamaanka iyo Raisul Jumhuuriyaha u kala dooranayaan? Maxaase u diidaya in qofka ay Madaxweyne u doortaan uu u soo magacaabo Raisul Wasaare isna Koonfurta Soomaaliya ka socda?
Haddii sidan la yeelo ma dalka iyo dadka ayaa kala qeybsamaya mise hadda ayuuba kala qeybsan yahay?
Dowladda waa mid federaal ah! Sow ma aha?
Soomaaliland kamaba tirsana sida uu maamulkeeda sheegto markaa waxa aad moodaa inaysanba xaq aheyn in ay inay mudaneyaal baarlamaanka Soomaaliya ugu jiraan. Ileyn waa nin hashiisa meel ku soo xirtay oo ay caanaheedu u gooni yihiin taadana kula lisanaya oo mararkaqaar xitaa kugu dilaya sida kuwa la sheego sheegtana inay Shabaabka hogaan u yihiin iyo inta la timid.
Puntland waan ku jiraa kumana jiro weeye xaalkeeda. Waa tan la leeyahay dowlad goboleedaas dadka koonfurta ka yimid ayey si joogto ah u dhisha, u dhacda una soo tarxiishaa. Weligaa ma arragtay mase maqashey, tusaale ahaan, Maamulka Dowlad Gobolledka Ohio State baa tarxiilaya dadka Ameerikaanka ah ee Falorida ka yimid? Mise dowlad goboleedka Scotland baa tarxiileysa dadka England ka yimid? Amase Dowlad Goboleedka Victoria –da Australia oo tarxiileysa Australian ka yimid South Wales-ta Australia? Tan kale kuwa Puntland hogaanka Shabaabka kama marna.
Iyada oo ay sidaas tahay buu mudanaha Puntland ka yimid rabaa in loo joogteeyo booska Madaxweynaha ama kan Raisul Wasaaraha!!!!
Lama diidi karo in ay Puntland mudaneyaal Baarlamaan ku lahaato baarlamaanka Soomaaliya laakiin hadda ma aha inay hogaanada sare ee Dowladda Federaalka qabtaan ilaa gobollada kale ay ka dhisanayaan Dowlad Goboleedyo Puntland u dhigma marka falka tarxiilidda wadaniyiinta Soomaaliyeed laga reebo.
Waxaa muuqata in ay qabaa’ilada Ximan & Xeeb iyo Galmudugna, Soomaalinimada uga soo dhaw yihiin laba kale eesare, haddana waxaa la isweydiin karaa ma haboon tahay in ay mudaneyaashooda kuraasta saddexda sare ah mid ka qabtaan ka hor inta ay gobollada kale ee koonfurta ay dowlad goboleedyo ka sameysanayaan?
Haddii uu sawirka sidaas yahay, kuweebay ku kala haboon yihiin saddexda kursi ee maamulka dalka Soomaaliya inta gobollada koonfurta Soomaaliya maamulo goboleedyo ka sameysanayaan?
Sida muuqata qof aan ka mid aheyn mudaneyaasha Baarlamaanka looma dooran karo xilka Raisul Baarlamaanka. Taas tallaabada daba socota ee uu caqliga kuu sheegayo waa in aan Raisul Jumhuuriya loo dooran Karin qof aan mudane baarlamaan aheyn.
Haddii ay sidaas tahay mudaneyaasha Koonfurta Soomaaliya, ee matilaya Soomaalida 22-dii sano ee la soo dhaafay dhibaato oo dhan u kulantay, maxaa ka reebaya in ay doortaan labo shakhsi oo mudaneyaasha koonfurta ka tirsan ah iyaga oo marka dambena ansixinaya Raisul Wasaare koonfurta ka socda.
Xisaab ahaan tan ma suurtogalbaa?
In ay suurtogal tahay baan filayaa ee ila eeg.
Waxa aan ognahay in uu baarlamaanka oo ay hubnihiisa 275 yihiin u qeybsan yahay nidaamka 4.5ka ah.
Codka kuwa DigilMirifle oo wada reer koonfur ah waa 61 mudane.
Codka Hawiye reer Koonfurta ah waa 45 qiyaastii
Codka Daaroodka reer Koonfurta ah waa 30 qiyaastii
Codka Dir reer Koonfurta waa 30 qiyaastii
Codka Beesha Shanaad ee reer Koonfurta ah waa 20 qiyaastii.
Wadar ahaan waa 186 waa in ka badan 2/3 ee tirrada 275 mudane baarlamaan ee dalku leeyahay. Waa iyada oo aan lagu darin mudaneyaasha xil-kaska ah ee wadaniyiinta ah ee cadaaladda u taagan ee matilayada ama sheegta inay matilayaan Soomaaliland, Puntland, Ximan & Xeeb iyo Galmudug.
Marka haddii ay sidaas tahay maxaa diidaya in, tusaale ahaan:
Raisul Baarlamaanka noqdo mid DigilMirile ah?
Raisul Jumhuuriyanaha noqdo mid Mareehaanka Gedo wax ka dega ama Ogaadeenka Jubada Hoose wax ka dega ah (oo aan kuwa boobka u yimid aheyn) amaba Dir-ta koonfureed (Biyo-Maal ama Gaadsan ah?
Raisul Wasaaruhuna noqdo mid ah Mudulood ama Gugundhabe amase Xawaadle amaba Sheekhaal ah –ama xitaa Dir-ta koonfureed ah?
Haddiise aan Raisul Baarlamaanka noqon mid DigilMirifle ah maxaa diidaya in uu midkood noqdo Raisl Jumhuuriya ama Raisul Wasaare.
Ujeedada qormadan ma aha in dadka la isku diro ama lagu kala sooco qabiilka ay ka dhasheen darteed ee waa dhiirigelinta wax wada qeybsi ku dhisan sida la iskula degan yahay ama ood wadaagta loo yahay.
Waa wax tusaaleynta Soomaalidda Koonfureed, intooda aan weli garan, in ay runtii iyagu (micnaha isgu jira DigilMirifle, Hawiye, Daarood, Dir iyo Beesha Shanaadba) yihiin dhibaneyaasha dulman ee uu dhibta ugu weyn ka soo gaarey dagaalkan sokeeye ee bilowday bishii Maayo 1988 balse sii cuslaadey 22 kii sano ee ee la soo dhaafey ee aan dhamaadkiisana muuqan ee dhulkooda lagu dul dagaalamayey iyada oo dadkooda, dalkooda, duunyadooda iyo dareenkoodaba dhib loo geysanayo oo weli la leeyahay ‘waad na dhisheen’ oo sida keliyah ee ay uga bixi karaana ay tahay wadatashi iyo wadajir dhex mara dadka deegaanka wada deggan ayna iska ilaaliyaal dhibwadeyaasha dulmiga la dul taagan ee waqooyiga ka socda ee iyaguna qolowalba ka tirsan balse uu dhulkooda u nabad yahay dadka reer koonfurta ah ku tilmaama duqon aan ismaamuli karin inay yihiin kuna soo hogaaminayo ciidamada dowladaha deriska ah iyo kuwa caalamkaba iyaga oo lagu tilmaamayo inay nabadda gobolka iyo tan aduunkaba halis ku yihiin!!!!
Ujeedada qormadan ma aha in qofka Soomaaliga ah ee asal ahaan waqooyiga ka soo jeeda koonfurta wax loogu yeelo sida kuwa koonfurta ka tagey waqooyiga waxyeelada loogu geysto oo kale. Qofka Soomaaliga ah waa in uu meel walba oo Soomaali degto ku nabad galaa sida Soomaalida Soomaaliya oo dhan ka qaxdey ay ugu nabadgaleen dhulal iyo wadamo ay leeyihiin dad kale oo aan Soomaali aheyn oo ay intooda badan xitaa isku diin iyo diir aheyn balse nabad & magangelyo siiyey.
Qallinka:
A A Bulle, MSC
UK, Email: maisodias@hotmail.com
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com