LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

KUME KIILA JIRE KALIISNE KOO JEEDE!! Baaq, Digniin.

cheapest viagra canadacali baab” src=”http://baidoamedia.com/wp-content/uploads/2012/06/cali-baab-300×225.jpg” alt=”" width=”300″ height=”225″ />Qowmiyadweynta Dighil&Mirifle,deegaan ahaan waxeey degenyihiin oo ay ku dhararsanyihiin,Labada webi dhexdooda(webi Ganaane&webi Shabeelle),

Baay&Bakool,tirada guud ee dadka soomaaliya waxa ay ka yihiin qiyaas(estimate) ahaan(45.5%).

Cilmiga Taariikhda waxaa lagu cadeeyay in Ilbaxnimada Dunida aay ka soo biloowatay Webiyada,sida tii shiinaha oo ka soo biloowatay webiga shangai,tii

musabitaamiya oo ka soo biloobatay webiga furaat,&tii faraaciinada oo ka soo biloobatay webiga Nil.

Qowmiyada D/M,waa bulsho degan oo aan Guur-guurin,waxaana la dhahaa Reer-Guri,maxaa yeelay waa bulsho isku heeysato Beerta&xoolaha,taasoo aay

astaan u tahay Ilbaxnimada.

Sahamiyayaalkii soo gaaray Dalka,gaar ahaan deegaanada Labada Webi,waxeey wax badan aay ka qoreen,Dadka&deegaanka Dighil&Mirifle,waxaa ka mid ahaa

Sahamiyayaalkii soo gaaray Dalka,Dr,Vu&Mr,Link,oo u dhashay wadanka(Sweden) ayaa soo gaaray Magaalooyinka Luuq&baar-dheere,waxeeyna si weyn wax ugu qoreen,hab nololeedkii,nidaam&dhaqankii aay lahaayeen,waxaa kaloo soo gaaray deegaanadaasi sahamiyayaal ka yimd wadanka shiinaha,ee uu hogaaminaayay

Mr,Yuu Wiing,oo u dhashay wadanka( China),wuxuuna socdaalkooda gaaray Magaalooyinka Afgooye,Qoryooleey,Jilib&Jamaame,si weyn ayeey waxeey ugu qoreen hab-nololeedkii&nidaam-dhaqameedkii aay ku noolaayeendadyowgii ku noolaa deegaanadaasi.

Ummad hadii aysan laheeyn Af-fartiisa qorantahay,Taariikh,Dhaqan&Halyeeyo(Heroes)oo u noqda ku dayasho&tub ay higsadaan,Jiilba jiilka ka danbeeya(Rolemodel)Kuwa Geeriyooday warkooda Daa, Aaway kuwii noolaa miyeey heeystaan Xushmo&Qadarin,Aaway Geesi,col.Avv.Dr,Xasan Maxamed Nuur(Shaati-gaduud) Aaway Avv,Dr,Cabdi Muuse Mayow,runtii bulshadaasi weey adagtahay in aay la jaan-qaadaan,bulshooyinka aay wada noolyihiin.

Dowladihii Dalka soo maray waxey gacanta ugashay bulshada reer-guuraaga(Geeljir),waxeeyna isu kaa shadeen baabi’inta&minguurin taariikh&dhaqan madoow

in ay ku sameeyaan Qowmiyada Dighil&Mirifle.Burburkii Dowladii dhexe kadib Beelaha Soomaalida waxeey bilooween in aay beelkasta Dadkeeda sidii aay kusamatabixin karta in aay sameeystaan ka dib markii adeegii Dowladii dhexe aay bulshada u qabaneeysay meesha ka baxay,Qowmiyada Dighil&Mirifle ayaa ugu horeeyay wax maamul u sameeya bulshadiisa,laakin waxa aay ku bur-burtay is ogolaasha la’aanta ka dhax jirta beelaha qowmiyada Dighil&Mirifle dhexdooda,isku daygii labaad ayaa hadana maamul loogu sameeyay Ummada,waxa uu maray meel ka xun kii hore meesha uu maray,dhamaan guuldarooyinkaasi oo dhan waxaa sabab u ah ISOGOLAANSHA la’aanta ka dhax jirta Beelaha dhexdooda&Beelaha qaarkoodna uu ka dhaxeeyo XAFIILTAN&XARGUF hoose,oo aan sahlaneyn.

Saldanadii ugu Faca&Taariikhda weyneyd,oo marjac ahaan loogu noqon lahaa ayaan ka maqneyn isogolaansha la’aanta ka jirta Beelaha qowmiyada D/M dhexdooda,oo aay ka jirto qeeybsanaan baahsan dhexdooda.

Ugu danbeyntii waxaa BAAQAYAA,Culimada-diinta,Waxgaradka beelaha Dighil&Mirifle in aay si hoose(Root level) usoo turxaanbixiyaan beelahooda kuna dadaalaan sidii aay ku soo noqon laheyd KALSOONIDII dhuntay,ka dibna si wadajir ah loo wajahaa xalinta khilaafaadka ka jira beelaha qaarkood,laguna dadaalaa in lasoo Afjaro,hadii intaas lagu Guuleeysto,ayaa la sameeyn karaa wax walba oo Ummada lagu hormarinkaro,hadii lagu Guuldareesto,oo la awoodi waayo,Duufaanta soo guuxeeyso waxeey bur-burin doontaa midnimada jilicsan(Fragile)eeQowmiyada Dighil&Mirifle,taasi marka aay dhacdo soo ma dhihi karno

KUME KIILA JIRE KALIISNA KOO JEEDE!!

Our life end’s when we become SILENTon thing’s that Matter’s.

Lecturer,Cali Cabdi.A.Baab(Voice of the Voice-less)

Madaxweynaha Asal-land State of South Somalia

 


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID