KULLAN XASAASI OO KA DHACAY MAGAALADA .(SAWIRO) LONDON.
June 27, 2012 - Written by admin - Edited byadmin
Kullan ay ku yeesheen Magaalada London ee caasimada Dalka Ingiriiska,Madaxweynaha Maamul Gob.K/galbeed soomaaliya(ASAL-LAND)
Dr,Cali cabdi Baab iyo Xildhibaan Dr,Xuseen Usmaan Xuseen,oo ka mid ahaa wafdigii Dowlada F.K.G,ugu qeeyb galay wadahadalkii Soomaaliya&Soomaali Land
oo dhacay magaalada London,ee Dalka Ingiriiska.
Kullanka Labada mas’uul ayeey ugu hadleen xaalada guud ee siyaasada dalka&waqtiga kala guurka.
madaxweyne Baab&Xildhibaan Xuseenow,waxeey kullankooda si weeyn ugu falanqeeyeen,uguna lafa gureen,xaalada guud ee Gobolka Sh/hoose,oo ay
Ciidamada Dowlada Federaalka& kuwa Amisom,ay ka wadaan Dagaal loogu xureeynaayo xarakada Al-shabaab,iyadoo Degmada Afgoye noqotay degmadii
ugu horeeysay ee soo gasha gacanta Dowlada F.K.M.G.,ayaa Madaxweyne cali C.Baab ka muujiyay walaac,oo aan horay ugu jirin Deg.afgoye in aay lasoo deristay
Amni-xumo,Boob,Xarig aan ujeed&ka jeedkiisa la garaneeynin,Dhac&Dilal.
Kullanka Labada mas’uul oo qaatay dhowr saacadood ayeey si aad ah ugu doodeeen,sidii arimahaasi looga hortagi lahaa,waxna loogu qaban lahaa,ayeey ugu
danbeeyntii,intii uu socday kullankooda waxeey si weyn aay diirada ugu saareen Qodobadaan soosocda:-
1-Beelaha Galadi waa in ay ilaaliyaan,ayna wax walba ka hormariyaan midnimadooda.
2-Aqoonyahanada,Dhalinyarada,haweenka&waxgaradka Reer-Galadi(Tol-wiine&yabdhaale)
ay umidoobaan,Difaaca,horumarinta,&aaya katalinta degmadooda.
3-In ay si wadajir ah ugu hortagaan cid kasta,oo isku dayda ama lid ku noqota Amniga-guud&amaanka guud ee Deegaanka.
4-Saldanada,Nabadoonada&Akhyaarta,waa in ay xoojiyaan midnimadooda&wadashaqeyntoodana joogteeyaan,si aan Amaanka deegaanka faraha ugu bixin.
5-sidoo kale,Saldanada,nabadoonada&Akhyaarta ugu baaqeeynaa in ay u soo xulaan xildhibaanada soo socda si cadaalad ah,laguna soo xulaa,Akhlaaqdooda,tayada heerka Aqoontooda,&kartidooda siyaasadeed,si sumcada&sharafta Beelaha Galadi loo ilaaliyo.
6-Dowlada F.K.G.ugu baaqeynaa in aay xakameeyso ciidamadeeda,ka jooga deg.Afgoye.
7-Waa in ay usameysaa Bar loogu soo hagaago Taliyayaasha Ciidamada,si hadii wax cabasha ah jiraan loogu gudbiyo
8-waa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Dowlada wax ugu qabataa cabashooyinka isa sootaraaya,& tacadiyaadka lagu haayo dadka&deegaanka Afgoye.
9-waqtiga habeenkii waa in laga mamnuucaa Ciidamada in ay gudaha u galaan xaafadaha&Guryaha.
10-waa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dowlada F.K.G.u qalabeeysaa,uguna wareejisaa,xilka Dagmada Ciidamada Deegaanka.
Baidoa media.
Like this:
Like Loading...
Nagala Soo Xiriir
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com