Kulan ay gudiga wadajirka ah ee nabadgelyada Soomaaliya mudo laba maalmood ah uga socday magaalada Muqdisho ayaa maanta lagusoo gabagabeeyay halkaas.
Shirka oo ay kasoo qaybgaleen dowlada KMG Soomaaliya, maamulka Puntland, Galmudug, Ahlusuna iyo wakiilo ka socday beesha caalamka.
Kulankani ayaa waxaa ka soo qeybglay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin R/wsaare C/weli ‘Gaas’, ku xigenka R/wasaaraha ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Cise iyo wakiilo ka socday urur goboleedka IGAD..
Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafada la hadlay raisalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga dowlada KMG Soomaaliya mudane Xuseen Carab Ciise oo sheegay in laysku afgartay in la mideeyo guud ahaan ciidamada dagaalka kujiro ee gobolada Soomaaliya oo dhan islamarkaasna ay hoos imaadaan hal talis, sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in beesha caalamkana lagala hadlay sidii loo dhisi lahaa loona khalabeyn lahaa ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxyaabaha kasoo baxay ayaa waxaa kamid ah inay dowladaha caalamka qayb ka qaataan dib u dhiska xarumihii lagu tababari jiray ciidamada Soomaaliyeed si ay u hantaan amniga guud ee dalka Soomaaliya.



Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com