Waxa maanta lagu qabtay magaalada madaxa Doha ee Dalka Qatar kulan lagu taageeraayo Prof. Maxamed Sh, cisman Jawaari oo kamid ah Musharixiinta u taagan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
kulankaas oo ay kaso qeeb galeen dhamaan, xubanaha jaaliyada Digil iyo Mirifle ee Doha-qatar, iyo aqoon yahano, siyaasiyiin, wax garad ka tirsan Qoomiyada Jaaliyada Digil iyo Mirifle-Doha-Qatar.
kulan oo ay ka hadleen qaar ka mid Madaxda Jaaliyada Digil iyo Mirifle Doha-Qatar, waxa ay sheegeen in ay 100% ku taageersan yihiin, Profssorka in isku soo sharaxo musharax nimada Guudomiyaha Baarlamanka, aqoon buuxdana uu u leeyahay Prof.., looga bahan yahay dhaamaan shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan shaqsigan nadiifka ah, gaar ahaan bulsha weynta Digil iyo Mirifle meel kasto ay ka joogan aduunka dacaladiisa.
Sidoo kale mid ka mid ahaa wax garadka Jaaliyada Digil iyo Mirifle -Doha-Qatar, ayaa sheegay in Prof ,kamid yahay aqoon yahanada soo qoray Dastuurka hada la an saxiyay, kuna haboon yahay jagada Gudoomiya nimada Baarlamaanka, sidoo kale prof.. wa nin kaso shaqeeyay Dowladii hore ee kacaanka, soona qabtay jagooyin kala duwan, ma uusan ka qeeb qaadanin dhibaata ka dhacday dalka soomaaliyed ee sanad jirsatay 22 sano.
Uga danbeyntii waxay kasoo qeybgalayaasha Alaah uga baryeen prof Jawaari.. haddii uu ku guleysto in uu ilaah ku garob qabto xilka loo doortay.
Xogayha Guud Jaaliyda Digil iyo Mirifle – Doha-Qatar
Cisman Sh.Axmed.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com