KULAMO DEG-DEG AH JAALIYADA SOOMAALIYA DIGIL-MIRIFLE AUSTRALI‏. (Sawiro)

waxaa magalaada Melbourne kulan degdeg ah isugu yimid Jaaliyada Digil Mirifle, Australia. Shirka waxaa loogu hadlay arrimo la xariiran dhisida dowlada goboleedka deegaanada Digil-Mirifle ee Soomaaliya.

Kulankaan degdeg ahaa waxaa kasoo qayb galay kooram buuxa oo ka mid ah xubnaha Jaalliyadda, waxaana kulanka shirguddoominayey Guddoomiyaha Jaalliyadda Mudane Aweys Sheikh Muxiyadiin Amiin oo ay garab fadhiyeen labadiisa guddoomiye kuxigeen Mudane Maxamed Ibraahim (Sydney) iyo Mudane Cabdi Cabdiraxmaan Sheekh, iyo weliba Guddoomiyaha Guddiga Odayaasha Jaaliyadda Mudane Mudane Dr Maxamed Cali Xaamuud. Waxaa shirk aka soo qayb gashay Fadumo Hussein (Faayow) booqasho rasmi ah noogu timid magaaladda Brisbane. Faayow oo in muddo ku maqneed Soomaalya howlo la xariira dhismaha dowlad gobleedka ayaa warbixin ka bixisay qaabka ay u socdaan dhismaha dowlad ee degaanada Digil-Mirifle.

Ajandaha kulankaan degdegga ahaa laysugu yeeray si qotadheerna halkaa loogu lafaguray wuxuu ahaa howsha dhismaha dowlad-goboleedka Koofureed ee haatan ka socota Muqdisho iyo qaabkii Jaaliyada door weyn ugu qaadan laheed dhisida maamulkaas.

Muddadii shirka lagu guda jiray ayaa waxaa fursad loo helay in si toosloola hadlo Guddiga Farsamada dhisada dowlad goboleedka ee ay dhawaan soo magacaabeen Malaaqyada iyo Salaadhiinta Digil-Mirle ee ku sugan magaalada Muqisho.Ka qeybgalayaasha shirka waxay warbixin ka dhegeysteen xubnaha Guddiga Farsamda qaar ka mid, iyadoo ayagana talo iyo tusaalooyin siiyey Guddiga, waxayna balan qaadeen in ay gacan balaraan ka gaysan doonaan howshaan muhimka ah.

Goobta shirka waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ka howlgala qaabkii Jaaliyada uga qeyb qaadan lahayd dhisidda dowlad goboleedka.

Jeneraal Atoosh, waxuu Jaaliyada kula dardaarmay in ay ilaaliyaan midnimada, isixtiraamaan, wax-wada qabsadaan, asagoo ku adkeeyey in ay door wax ku ool ah ka qaataan dib u dhiska iyo horumariinta wadanka.

Photo by Sara Amin

0″ height=”533″ />

Photo by Sara Amin

Photo by Sara Amin

Photo by Sara Amin

Photo by Sara Amin

Photo by Sara Amin

Photo by Sara Amin

Isaak Hassanow (UNISHEF)

unishef@live.com

Melbourne, Australia.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.

LATEST NEWS