Ayada oo habeen hore ay ciidamada amaanka magaalada Baydhabo xireen sarkaal u shaqeeyay hay'ada cuntada iyo beeraha Qaramada midoobay ee FAO ayaa waxaa xarigaas ka hadlay taliyaha ciidamada booliska gobolka Bay ee dowlada Soomaaliya korneel Mah
ad Cabdiraxmaan.
Korneel Mahad ayaa sheegay inuu sarkaalka la xiray ku hawlanaa arimo liddi ku ah amniga magaalada Baydhabo sidoo kalena taageersanyahay ururka Alshabaab.
Dhanka kale, korneel Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in sarkaalka qaramada midoobay u shaqeeya ee ay ciidamada amaanku xireen uu lug ku lahaa baxsashada maxaabiis Alshabaab ahayd oo ka baxsatay xabsiga magaalada Baydhabo.
Hadalka kasoo yeeray taliyaha ciidamada booliska gobolka Bay ayaa imanaya xili ay ciidamada dowladu weli su'aalo weydiinayaan sarkaal lagu magacaabo Idiris Cabdi Dhakhtar.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com