Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa waxa ay xabsiga dhigeen taliyaha ciidamada booliska gobolada Bay iyo Bakool Korneel Aadan Doodishe iyo taliyihii saldhiga magaalada Baydhabo Aadan Biid oo labadaba katirsan saraakiisha ugu sareysa ciidamada booliska gobolada Bay iyo Bakool ee dowlada KMG Soomaaliya.
Saraakiishaan la xiray ayaa la sheegayaa inuu xarigooda la xiriiro khilaafaad xaga maamulka gobolka Bay quseeya kaasoo lagusoo waramayo inay lugaha la galeen saraakiishaan.
Dhanka kale wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in gudoomiyaha gobolka Bay Cabdifitaax Geeseey isna la xiray ayada oo lagu haysto inuu lunsaday dhaqaale balse warkaasi ma ahan mid ay shabakada warbaahinta baidoamedia.com xaqiijin karto.
Xariga saraakiisha ugu sareysa ciidamada booliska gobolka Bay ayaa imaaanayo xili ay ciidamada Itoobiya gacanta ku hayaaan magaalada Baydhabo kadib markii ay ka qabsadeen magaalada Xarakada Alshabaab.
Ciidamada Itoobiya ayaa horay xabsiga u dhigay saraakiil katirsan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee gobolada koonfureed.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com