Saturday, May 25th, 2013

Koox rag Pakistaaniyiin ah oo gabdho aad u da’yar faraxumeeyay oo lagu maxkamadeeyay dalka Ingiriiska. (Maxay geysteen)

Koox ka kooban sideed nin oo Pakistaaniyiin ah iyo mid Afgaani ah ayaa waxaa lagu xukumay xabsi kadib markii lagu helay dembi ah inay falal anshax daro ah kula kaceen gabdho yar yar oo British ah.

Nimanka ayaa lagusoo eedeeyay inay ahaayeen koox isku xiran oo gabdhaha yar yarka u galmooda ayaga oo siinayo gabdhahaas daroogo iyo weliba aalkohol si ay ugu galmoodaan.

Gabdhaha ayaa waxaa kujiray kuwo ay da’doodu ahayd 13 jir halka mida ugu weyn ayba jirtay 15 sano. Nimanka oo ay da’doodu u dhexaysay 22 ilaa iyo 59 ayaa maanta oo Arbaco ah lagu helay dembiga ah inay u galmoodeen gabdho aad u da’yar iyo weliba dembiyo kale.

Maxkamada boqortooyada ee magaalada Liverpool ayaa ku xukuntay nimankaan xabsiyo u dhexeeyo afar ilaa iyo 19 sano sida uu ku dhawaaqay khaadiga maxkamada Gerald Clifton.

Falka ay nimankaan kula kaceen gabdhaha yar yar ayaa waxaa aad uga carooday bulshada dalka Ingiriiska ayada oo sidoo kale la sheegayo inay nimankaani gabdhaha qaar meelo kale u safrin jireen oo isla gudaha dalka Ingiriiska ah si ay rag kale ugu galmoodaan.

Xubin katirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa sheegtay falka ay ku kaceen nimankaan inuu yahay mid aad looga xumaado ayada oo sheegtay inaysan wax diin iyo dhaqan ah midna ka turjumeynin balse uu yahay ficil sheydaan sida ay sheegtay.

Inta badan dembiyada kufsiga iyo galmoodka gabdhaha da’da yar lagula kaco ee ka dhaco dalka Ingiriiska ayaa waxaa 83% geysto niman kasoo jeedo dalka Pakistan halka 6% ay geystaan rag cadaan ah inta soo hartayna ay geystaan rag ayagana kasoo jeedo qaarada Aasiya taasoo ay hada booliska dalka Ingiriiska baaritaan kuhayaan bal waxa keenay inay raga Aasiyaanka ahi u bataan dembiyadaas.

Dalalka qaarada Yurub ayaa waxaa ka mamnuuc ah in loo galmoodo gabdhaha aan qaan gaarin balse waxaaba kasii daran in hadana ay koox rag ah oo isku xiran inta daroogo siiyaan fara xumeeyaan taasoo ah dembi weyn.

Dhawaan ayay ahayd markii koox dhalinyaro Soomaali ah oo ku nool dalka Mareykanka lagusoo eedeeyay inay ka ganacsadaan gabdho aad u da’yar oo isla Soomaali ah taasoo ay aad uga argagaxeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply