Kolonyo uu la socday wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya oo ay Shabaab weerartay.

Waxaa Maanta jidka loo galay lana weeraray Kolonyo uu lasocaday Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Aminiga Qaranka Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guleed oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday qeybo kamid ah Gob olka Sh/Hoose.

Kolonyada wasiirka uu la socday ayaa waxaa jidka u galay ciidamo katirsan kuwa Xarakada Alshabaab mar ay kolonyadu mareysay inta u dhexayso deegaanada Buufow iyo Shalambood.

Metatrader Back Testing And Optimization Course

Sarkaal katirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay inaysan jirin wax qasaare ah ooa kasoo gaaray wafdiga wasiirka uu horkacayay weerarka ay maanta Alshabaab la beegsatay.

Dhanka kale wasiirku waxa uu sheegay inuu wasiirku nabad tagay halkii uu ku socday islamarkaasna ay qasaare xoogan gaarsiiyeen dhinaca Alshabaab ee weerarka soo qaaday maanta.

Ma jirto cid u hadashay Xarakada Alshabaab oo ka hadashay weerarka maanta lagu qaaday wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumada federaalka Soomaaliya.

Inkastoo inta badan gobolka Shabeelada hoose uu gacanta ugu jiro ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa hadana waxaa weeraro lagula beegsadaa gobolkaas masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya.

Baidoa media.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.