Saturday, May 25th, 2013

Kismaayo oo xalay dhanka badda laga duqeeyay.

Markab dagaal oo aan la hubin cida iska leh balse loo maleynayo inay dowlada Kenya leedahay ayaa habeenkii xalay ahaa duqeyn daran u geystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Duqeynta magaalada Kismaayo ayaa timid kadib markii uu dhawaan raisalwasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ku dhawaaqaya inay maalmaha soo aadan qabsan doonaan ciidamadiisu magaalo xeebeeda Kismaayo.

Inta la ogyahay 3 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay duqeyntii xalay halka 4 kalena ay ku dhaawacantay. Duqeynta oo socotay mudo 20 daqiiqo ah ayaa xoogeeda waxa ay ku dhacaysay saldhig ay Xarakada Alshabaab ku leedahay xaafada Via-Afmadow ee magaalada Kismaayo halkaasoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay.

Kismaayo waa magaalada ugu weyn ee weli ku harsan gacanta Xarakada Alshabaab marka lagasoo tago magaalada Marka iyo magaalooyin kale oo yar yar.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply