Thursday, May 23rd, 2013

Kismaayo oo uu dagaal bad, cir iyo dhul ahba ka qarxay.

Magaalada Kismaayo waxaa ka socda saakay dagaal xoogan oo dhinac kastaba kaga imaanayo, magaalada waxaa si lama filaan ah kasoo galay dhanka badda ciidamada huwanta oo kasoo degan ilaa afar markab oo kuwa dagaalka ah.

Dhanka kale, diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa xaga cirka ka duqeynaya furumaha dagaalka ay ku suganyihiin ciidamada Xarakada Alshabaab oo difaacanayo magaalada Kismaayo.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo waxa ay soo sheegayaan in dhanka xeebta meel 8km u jirta magaalada. Magaalada Kismaayo ayaa ay dadka badankiis hubeysanyihiin kadib markii ay Alshabaab dadka magaalada u qaybisay qoryo.

Dagaalyahano katirsan Alshabaab ayaa daaraha dhaadheer saartay qoryaha lidka diyaaradaha si ay ula dagaalamaan diyaaradaha dul hee haabaya magaalada kuwaasoo iskugu jira miig iyo kuwa qumaatiga u kaca.

Xaalada Kismaayo ayaa ah mid qasan ayada oo ay idaacada Andalus ee Shabaabkana saraakiisha Alshabaab kala hadlayaan dadka magaalada ayaga oo ugu baaqaya inay dadku kasoo qaniimeystaan ciidamada Kenya oo ay sheegeen inay laba markab kagasoo caariyeen dhanka xeebta waa sida ay hadalka u dhigeene.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply