Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa galabta mar kale duqeeyay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Diyaaradaha ayaa waxa ay markii hore cabaar dul hee haabeen magaalada ayaga oo markii dambe dhowr madfac la dhacay difaacyo ay Alshabaab ku leedahay duleedka magaalada Kismaayo.
Weli lama oga inta uu la egyyahay qasaaraha ay dhaliyeen madaafiicda maanta lagu garaacay Kismaayo ayada oo maalmahaanba duqeymo dhanka hawada iyo badda ah lagu hayay Kismaayo.
Xarakada Alshabaab ayaa si weyn ugu mintidayso gacan ku haynta magaala xeebeeda Kismaayo oo ah magaalo muhiim u ah Alshabaab.
Ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa dhawaanahaanba waday dagaalo ay kula wareegayaan magaalada Kismaayo inkastoo ay si adag magaalada u difaacanayso Xarakada Alshabaab oo sanadihii ugu dambeeyayba kasoo ariminaysay magaalada.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com