Thursday, June 20th, 2013

Kismaayo oo ay duqeyn dhanka badda ah ku socoto hada.

Wararka kasoo baxaya caasimada gobolka Jubbadda hoose ee Kismaayo ayaa sheegaya inay maraakiib dagaal oo taagan xeebta magaaladaas ay duqeyn daran ku hayaan qaybo kamid ah magaaladaas.

Maraakiibta ayaa gantaalo la dhacayo xaafado katirsan magaalada Kismaayo iyo dekeda magaaladaas ayada oo ay cabsi darana lasoo deristay dadku ku dhaqan magaalada.

Magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayso Xarakada Alshabaab ayaa tiro dhowr jeer ah loo geystay duqeyn xaga badda iyo cirka ah ayada oo ay ka dhasheen qasaarooyin kala duwan.

Duqeynta maanta ee magaalada Kismaayo ayaa kusoo aadayso xili dhawaan magaaladaas lagu dhex jiiday ciidamo la sheegay inay ka kala tirsanaayeen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply