Saturday, May 18th, 2013

Kiimikada laga sameeyo waxyaabah qarxa iyo sarkaal Alshabaab ah oo maanta lasoo qabtay.

Ayada oo ay howlgalo xaga amaanka lagu sugayo ka socdeen degmooyinka gobolka Banaadir maalmihii ugu dambeeyay ayaa maanta waxaa lasoo qab qabtay ilaa iyo 400 afar boqol oo qofood iyo kiimikada laga sameeyo waxyaabaha qarxo.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya, howlgalada oo weli socda ayaa maanta waxaa diirada lagu saaray degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayada oo ay ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan ee ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Wararku waxa ay sheegayaan in sarkaal ka tirsan Alshabaab, haaman ay ka buuxaan kiimikada laga farsameeyo walxaha qarxa iyo biro dhaadheer oo loo adeegsado sameynta waxyaabaha qarxa lagusoo qab qabtay howlgaladii maanta ayada oo lagusoo qabtay meel u dhow warshadii baastada ee magaalada Muqdisho.

Wariyayaasha ayaa layskugu yeeray warshadii barafuunka oo layskugu keenay dadkii lasoo qab qabtay ayada oo lagu kala saari doono cida Alshabaab ah iyo cidii aan ahayn.

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya, gaar ahaan kuwa nabadsugida iyo weliba ciidamada AMISOM ayaa maalmahaan kawada magaalada Muqdisho howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply