Dowlada Kenya oo dagaalo xoogan kula jirto Xarakada Alshabaab ayaa waxa ay qiratay inay askar ku la’dahay gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Jubbada hoose oo ay maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayeen dagaalo faraha looga gubtay.
Emannuel Chirchir, afhayeenka ciidamada Kenya ayaa waxa uu sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay looga gubay 7 kamid ah gaadiidkooda dagaalka tiro askar ahna ay ku la’yihiin dagaaladaas ayada oo ay shalay oo Sabti ahayd Xarakada Alshabaab kusoo bandhigtay gudaha magaalada Kismaayo tiro askar ah oo ay qaarkood ku sheegtay inay ka tirsanaayeen ciidamada Kenya ee ka dagaalamaya gudaha dalka Soomaaliya.
Dhanka kale afhayeenka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan Col. Cali Aadan Xaamud ayaa waxa uu qiray inay la’yihiin shan kamid ah ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya balse waxa uu beeniyay in meydadkii lagusoo bandhigay shalay gudaha magaalada Kismaayo ay ahaayeen ciidamada Kenya.
“Waxaa naga maqan shan askari oo aan la’nahay, labo askari oo ciidamada Soomaalida waa dhimatay”ayuu yiri Col. Xaamud oo intaa ku daray in Meydadka Shabaab soo bandhigeen ay ahaayeen dhaawacyo ka tirsan dowladda oo ay kala baxeen Isbitaal ku yaal Afmadow.
Maalmihii ugu dambeeyayba waxaa ka socday gobolka Jubbadda hoose dagaalo xoogan oo ay ku dhinteen tiro kamid ah dhinacyadii dagaalamayay ayada oo Xarakada Alshabaab dagaal ku gashay degmada Afmadow oo horay looga qabsaday.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com