Dowlada Kenya ayaa waxa ay ku eedaysay madaxweynihii hore ee dowladii KMG Soomaaliya Shaiif Sheekh Axmed inuu ka dambeeyay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho xili uu madaxweynaha cusub uu shir kula jiray wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya Sam Ogeri .
Isaga oo shir jaraa’id qabanaya ayuu wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya Sam Ogeri ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed inuu ka dambeeyay qaryadii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay hotel Jazeera.
‘’Wax yar kadib markii uu Qaraxu dhacay Waxaa hotelka Soo gaaray Sheekh Sheekh Shariif Sheekh Axmed wajigiisana kama muuqan Wax dareen naxtin ah waxa uuna u muuqday nin ku qanacsanaa sida ay waxa u dhaceen iyo Weerarkaasi Ismiidaaminta ahaa ‘’ ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Sam Ogeri.
Wasiirka Arimaha Dibada Kenya waxa uu xusay in Sheekh Shariif Qadka Telfoonka uu kula soo xariiray Doorashada ka hor uuna ka codsaday Kenya in lagu taageero ololihiisa Doorashada iyo sidii uu ugu guuleesan lahaa in Mar kale lasoo doorto balse Kenya ay taasi ka diiday una sheegtay in Musharax gaar ah taageereen cidii lasoo doortaana taageeri doono sida uu Wasiirki Saxaafada u sheegay.
“Qaraxa waxa uu ahaa mid loogu talagalay in lagu khaarijiyo Madaxweynaha cusub, Al shabaab ayaa sheegtay laakiin Kenya waxay ku tuhunsan tahay in uu ka dambeeyey Sheekh Shariif, waana cadaawad ka dhalatay loolanka siyaasadda”, ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Sam Ogeri.
Kenya ayaanan usoo dirin wax masuuliyiin ah caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud taasoo ay kasoo qaybgaleen inta badan masuuliyiinta dalalka bariga Afrika.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com