Dowlada Kenya ayaa waxa ay gadaal ka riixaysaa sidii mar kale ay dekeda magaalada Kismaayo uga bilaaban lahayd dhoofinta dhuxusha madow ee loo dhoofiyo dalalka Carabta gaar ahaan, Sacuudiga iyo Iimaaraadka Carabta.
Dhawaan ayay ahayd markii uu golaha amaanka ee Qaramada midoobay qaraar ku gaaray innaan dhuxusha laga dhoofin karin Soomaaliya maadaama uu ururka Alshabaab dhaqaale fara badan ka heli jiray dhoofinta dhuxusha.
Hadaba qaraarka Qaramada midoobay ayaa waxaa taageeray dowlada cusub ee Soomaaliya ayada oo uu madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sheegay innaan laga dhoofin karin dekeda Kismaayo wax dhuxul ah.
Ayada oo ay taasi jirtay ayay gudi ganacsato ah waxa ay qoraalo codsiyo ah oo xayiraada lagaga qaadayo dhoofinta dhuxusha u direen midowga Afrika iyo golaha amaanka Qaramada midoobay.
Codsiga gudiga ganacsatada ayaa waxaa sidoo kale aad ugu ol’oleynayso dowlada Kenya oo ay ciidamadeedu ku suganyihiin gudaha magaalada Kismaayo ayada oo rabto in si dhaqaalaha kasoo xaroonayo dhuxusha ay wax uga hesho in xayiraada laga qaado dhoofinta dhuxusha ileen dhulka la nabaad guurinayo ee dhirta laga jarayo keeda ma ahane!
Kenya oo isku haysata inay Kismaayo ka tirsantahay dalkeeda ayaa waxa ay wadaa waxyaabo badan oo liddi ku ah qaranimada dalka Soomaaliya.
Kenya ayaa maamul u sameynta magaalada Kismaayo waxa ay ka bilowday gudaha magaalada Nairobi ayada oo gaarsiisay arintaas urur goboleedka IGAD, waxaase la yaableh waxa Kenya iyo IGADba ka quseeya arimaha Soomaalida iyo maamul u sameynta magaalada Kismaayo.
Kismaayo oo ah magaalo ka dhexayso Soomaali badan ayay Kenya isku dayaysaa inay ka dhisto maamul ka amar qaato Nairobi halkii uu maamulka Kismaayo ka amar qaadan lahaa Muqdisho, hadaba aqristow waxaa is weydiin leh Baroorta orgiga ka weyne, Kenya danta ah leedahay durugsanaa!
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com