Sunday, May 26th, 2013

Kenya oo daboolka ka qaaday sir u qarsanayd Uganda.

Ayada oo maalintii shalay ahayd shir looga hadlayay waxqabadka ciidamada AMISOM lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa halkaasi ka hadashay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday caalamka iyo dowladaha qaybta ka ah AMISOM.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibada Kenya Richard Onyonka oo ka hadlay kulan looga hadlayay waxqabadka Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in Uganda ay ku weysay dagaalada 2,700 askari.

Hadalkaasoo dad badan ka yaabiyay una muuqday mid qarsoodi u ahaa dowlada Uganda balse ay hada Kenya daboolka ka qaaday, hadalka kasoo yeeray wasiirka ayaa laga yaabaa inuu dhaliyo muran xaga xiriirka labada dal ah maadaama aanay Uganda horay u shaacin in tiro intaas la eg oo ciidamo ah lagaga dilay gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiir kuxigeenku waxa uu sheegay in tan iyo markii ay gudaha Soomaaliya u direen ciidamada ay kaga dhinteen halkaas sodomeeyo ciidan isaga oo ka dalbaday caalamka inuu taageero howlgalka AMISOM maadaama ay askarta AMISOM dhiigooda u daadinayaan Soomaaliya.

Wakaalada wararka ee AP oo isku dayday inay wax ka weydiiso taliska ciidamada Uganda hadalka kasoo yeeray wasiirka Keenyaatiga ah ayaa ay ka gaabsadeen saraakiisha ciidan ee Uganda.

Ciidamada Uganda ayaa dagaalo kulul kula galay gudaha magaalada Muqdisho ciidamada Xarakada Alshabaab dagaaladaas oo uu dhiig badan ku daatay waxyeelo badana gaarsiiyay dhismayaasha caasimada.

Alshabaab ayaa intii ay gacanta ku haysay deegaano kamid ah magaalada Muqdisho waxa ay kusoo bandhigtay deegaanka Calamada meydadka ilaa 70 askari oo u badnaa Burundi kuwaasoo lagu laayay dagaal kulul oo ka dhacay degmada Dayniile.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply