Qoraalka qeybtiisii koowaad wuxuu noo marayey jawaabihii aan ka bixineyney afartii nuqdadood ee ay ku dhisneyd aragtida (theory) uu qoraalkayagu ku socdo. Waxaan kasoo jawaabnay saddexdii nuqdadood ee ugu horeeyey, qoraalka qeybtaan labaadna wuxuu nooga bilaabanayaa ka jawaabidda nuqdada afaraad ee aragtida (theory).
Si aanay fahamka qoraalka kaaga kala fakanin waxaa wanaagsan inaad marka hore soo akhriso qeybta koowaad ee qoraalka maadaama ay labada qeybood isku xiran yihiin.
Bal ila eega tusaalahaan gaaban, haddaan maanta soo qaadano labaatan (20) shey oo kamid ah qalabka hiddaha iyo dhaqanka ee laga isticmaalo Soomaaliya dabadeedna aan is barbardhigno magacyada alaabtaasi loogu yeero labada af (Maay iyo Maxaatiri) waxaa kuusoo baxaysa inaanay labadaan af wadaagin xitaa boqolkiiba toban (10%) iyo ka yar.
Tusaale: bukur, galaangjhy, hangqharyf, qhud, usby, shanbal, ithyng-mathy, shiid-mary, hoory, hurbung, biid, qhuly, dabaang, qhurmy, gopy, qhoortool, maalyd, barshy, qhalqhal, ufteey, araar, tiif, isky-fary – ereyadaan ka tarjumaya dhaqanka asalka ahee af-Maay midkoodna lamid ma ahan magacyada looga yeero (haddayba jiraan) af-Maxaatiriga.
Haddaan labaatankaan shey aan u qaadano saambal (sample) ahaan miyaanan dhihi karin labadaan af waa laba af kala madaxbanaan?
Ceebta kalee ay aragtidu (theory) leedahay waa iyadoo aan sheegeynin waqtiga la tirakoobay (ururiyey) daraasadda, haddii daraasaddaan la sammeeyey wixii ka dambeeyey toddobaatameeyadii (1970s) markii la qoray farta af-Maxaatiriga kolkaa waxaa meesha ka cad in tirada lagu darsanayo ereyo badanoo af-Maay ahaa oo sidii boos buuxin (spare-parts) oo kale loogu daray qoriddii far-Maxaatiriga.
Waxaan cidina dafiri karin in ereyo badanoo af-Maay ah ay ka buuxaan farta Maxaatiriga ee aan maanta qoreyno; sidoo kale waxaa jira ereyo badanoo af-Maxaatiri ahaa oo la af-Maay-gareeyey oo maanta loogu hadlo af-Maay ahaan.
Isticmaalka ereyo Maay ah oo la af-Maxaatirigareynayo iyo ereyo Maxaatiri ah oo la af-Maaygareynayo waxay aad ugu badan yihiin hadallada markay hadlayaan dhalinyarada reer-Maay ee magaalooyinka ku dhashay ama wax kusoo bartay.
Isku dhexmilmidda isticmaalka labada af waxaa qeyb weyn ku lahaa culeyskii dowladihii dalka soo maray ay saareen af-Maayga oo si ugu geesa garaacaan af-Maxaatiriga ilaa markii dambe af-kii Maayga ahaa la shiiqiyey (dominated) dhinac walba.
Waxaa sidoo kale dagaalka qeyb weyn ku lahaa warbaahinta dalka ka jirta ee ku hadasha afka dowladda, iyo xitaa ku dar warbaahinta dibadda sida BBC iwm. Marka, afafka aan doonayno inaan is barbardhigeyno ma ahan kuwa sidaan loo wasakheeyey ee waa af-Maay asal ah iyo af-Maxaatiri asal ah.
Haddiise daraasadda la sammeeyey waqtigaa ka hor (1970s) waxaa iyana is weydiin u baahan xagguu yaalaa qaamuuska lagu ururiyey af-Maayga si go’aan looga gaaro inta erey ee uu kala mid yahay ama kaga geddisan yahay af-Maxaatiriga?
Ma ogtahay haddii si cilmiyan ah loo doodayo wax waliba waxay ku wanaagsan yihiin in meel la saaro, haddii kale xujadaadu waxay noqonaysaa mid kugu soo noqota.
Nasiib wanaag afafka aynu halkaan kaga hadleyno labaduba waxay leeyihiin xuruuf higgaad (shibanayaal iyo shaqalo), ereyo, weedho, naxwe (qodob, magac, magac u yaal, tilmaame, fal, falkaab, xiriiriye, meeleeya, iyo yaab) kuwaasoo noo sahli kara is barbardhiggooda (Maay iyo Maxaatiri) si aynu u ogaano waxa ay isaga mid yihiin iyo waxa ay ku kala geddisan yihiin.
Far walboo qoran oo luqadi leedahayna waxay ka bilaabataa xuruufta higgaadeeda (alphabet or scripts) xuruuftaasoo lagu jaangooyey codadka ama dhawaqa ereyada uu afkaasi leeyahay.
Hayeeshee qoraalkaan waxaan kusoo gaabsan doonnaa kala gedisnaanta shibanayaasha iyo shaqallada maadaama ay iyagaasi yihiin asalka labada af, hadday iyaga is waafaqaan wixii kasoo harayna way is waafiqi donaan, hadday iyagaas is diidaana haddee macquul ma ahan laba af oo asalkiiba (shibanayaashii iyo shaqaladii) isku diiday inay noqdaan isku hal luqad ama hal af.
Qofkii sidaasi qabana waxaan ka doonaynaa inuu noogu soo caddeeyo si waafaqsan aadaabta cilmiga iyo culuumta meeshana laga saaro siyaasadeynta howlaha cilmi baariseed.
SHAXDA KALA DUWANAANSHAHA
SHIBANAYAASHA IYO SHAQALADA
AFAFKA MAAY IYO MAXAATIRI
|
AFKA |
SHIBANAYASHA |
SHAQALADA |
KALA DUWANAANSHA SHIBANAYAASHA | KALA DUWANAANSHAHA SHAQALADA |
|
MAAY |
B P T J JH D TH R S SH DH G GH F Q K L M N NG W H Y NY
|
A E I O U Y(eih) |
P JH TH GH NG Y’ |
Y (eih) |
|
MAXAATIRI |
B T J X KH D R S SH DH C G F Q K L M N W H Y |
A E I O U |
X KH C |
_ |
Shaxda kala duwanaanshaha shibanayaasha iyo shaqalada afafka Maay iyo Maxaatiri ee halka sare ku xusan waxay tusaysaa in farta-Maayga uu lix (6) shibanne (P, JH, TH, GH, NG, Y’) iyo hal (1) shaqal (Y eih) kaga geddisan yahay shibanayaasha iyo shaqalada far-Maxaatiriga. Wuxuu kaloo tusayaa in farta-Maxaatiriga ay saddex (3) shibanne (X, KH, C) kaga geddisan yahay farta-Maayga. Xuruufta far-Maxaatiriga (X iyo C) waa macruuf aan ka ahayn xarafka ‘KH’ oo aan qabo inaanu ku jirin af-Maayga.
Waxaase in la bayaaniyo u baahan xuruufta shibanayaasha iyo shaqalka farta-Maaygu kaga geddisan yahay farta-Maxaatiriga.
P
Harafky “P” may ly etheegsythey madi harafky “B” weerdhingtis futhudy, weerdhingtiisny may ku kooyase faruuy’o mayny ing dhowya harafky afky Ingriisky ‘P”.
Misaal: apaal heped lipee hapoog Hapiipy
JH
Harafky “JH” may liing etheegsythey weerdhing Af Maay ing gaar e o haku bahaasy dhuungky, mayny ing dhowya harafky “J”.
Misaal: jhab jheer jhiryng galaangjhy jhaathyjhaathy
TH
Harafky “TH” may ly etheegsythey madi harafky “D” weerdhingtis futhudy, mayny ly too eyaa weerdhingty kelmydy Afky Ingriisky e “the”.
Misaal: mathal etheb mathy mithow
GH
Harafky “GH” may ly etheegsythey madi harafky “G” weerdhingtis futhudy,mayny weerdhingtis ly too etaa harafky Af Arbeedky e ( ).
Misaal: maghy aghaar meghyng lughy dhaghar
NG
Harafky “NG” may liing etheegsythey weerdhing ing gaar e Af Maay, mayny weerdhingtis may ing dhowta weerdhingty dhamaadky kelmytho Afky Ingriisky e “ morning, caring, helping”.
Misaal: angkaar ming lang sang bang
Y’
Harafky Y” may liing etheegsythey weerdhing ing gaar e Af Maay, weerdhingtiisny may ly too etaa weerdhingty ky jerty kelmytho afky Telyaanighy (signore, agnello).
Misaal: y’aany’ur y’isaang maay’y muy’y
Gebagabadii, haddaan arimaha kaloo dhan meel layska dhigo ee aan wax ku qiimeyno kala duwanaanta shibanayaasha iyo shaqalada labada af (Maay iyo Maxaatiri) waxaan go’aamin karnaa in labadaan af ay kala kala madaxbanaan yihiin maadaama uu midba midka kale ku diiday in ku filan oo shibane, shaqal iyo ereyaba ah.
F.G. Waxaan halkaan mahad gaar ah uga jeedinayaa KULUNG TECHNICAL COMMITTEE oo dadaalkii ay horey u sammeeyeen la’aanteed aanay maanta ii suurgasheen inaan sammeeyo qoraalkaan aan isku barbardhigay kala duwananaanshaha afafka Maay iyo Maxaatiri. Waxaan kaloo u mahadcalinayaa BANA, Baidaomedia, Ishabaydhabo oo ii suurtageliyey inay fariinteydaan gaarto dadkii aan ugu talagalay. DHAMMAAD.
Isaak Hassanow
Melbourne, Australia
Xigasho (reference):
1. Buugga ALIF MAAY, KULUNG TECHNICAL COMMITTEE
2. http://www.bbc.co.uk/somali/war/2010/11/101105_mansuur.shtml
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com