Friday, May 24th, 2013

KALA DUWANAANSHAHA AFAFKA MAAY IYO MAXAATIRI Qeybta 1aad.

 

Shakhsiyan aad baan u jeclaan lahaa Soomaalida inay hal af isku ahaato.  Laakiin Allaah wuxuu qadaray inay kala af noqdaan – Maay iyo Maxaatiri, xigmadda ku jirta arintaasina isaga uunbaa garanaya.  Ceebna ma ahan inay ummad meel wada degta ay kala af noqdaan waaba waxay ku faanaan ummado badanoo dunida ka jira sida dowladaha deriska nala ah, ammaana ma ahan taa caksigeeda oo keliya.

Af waliba (Maay iyo Maxaatiri) wuxuu leeyahay dad iyo deegaano u gaar ah oo looga hadlo.  Wuxuu sitaa (carries) taariihdiisa, hiddihiisa, dhaqankiisa, higgaadiisa (farta), ereyadiisa, weedhihiisa, naxwihiisa, lahjadihiisa iyo xiriirka is lahaanshada gaarka ah ee u dhexeeya afka, degaanka iyo ummadda ku hadasha. 

Afku waa summad kamid ah summadaha ugu waaweyn ee ay ummadi yeelato, jiritaankeeda iyo sumcaddeeda dadnimo ee ay kaga soocanto dadyowga kale uu isagaasi ku xirantahay. 

Af ay ummadi leedahay oo la waayo waxay lamid tahay iyadoo la waayo dhammaan wixii uu afkaasi siday (carried) ee ay ummaddaasi lahayd ee aan horey uga soo hadalnay. Ku baraarugoo, nuqdadatan weeye halka ay isaga xiran yihiin siyaasadda iyo afka.

Waxaa dhowaanahaan aad u batay doodaha siyaasadeysan ee la xiriira afafka Maay iyo Maxaatiri.  Dastuurka-kumeelgaarka waxaa lagu qoray afafka rasmiga Soomaaliga inay yihiin Maay iyo Maxaatiri. 

Waxaadse mooddaa inay arintani weli u cuntami la’dahay beelaha kalee Soomaaliyeed ee aan ku hadlin afka Maayga.  Waxay ku doodayaan in afka rasmiga ee Soomaaliya uu yahay af-Maxaatiri keliya iyagoo ka duulaya dhaqankii dowladihii dalka soo maray kontonkii sano ee ugu dambeysay ee ay garwadeen ka ahaayeen dadka ku hadla af-Maxaatiriga. 

Ogoowe, doodoodaan waxaa dabada ka riixaya daraasad-cilmiyeed ay sammeeyeen isla aqoonyahano iyaga ah oo wax ku dhisaya aragtiyo (theories) daciif ah oo cilmiyan aan ka jawaabi karin xaqiiqda waaqiciga ah iyo farqiga u dhexeeya afafka Maay iyo Maxaatiri. 

Aragtiyadaan kuwooda ugu caansan waxay leeyihiin sidan soo socota:

 

  1. Maay iyo Maxaatiri laba af makala aha ee waa laba lahjadood oo isku hal af-Soomaali ah.  Af-Soomaaliga rasmigana waa Maxaariri, afka Maaygana waa af-guri.
  1. Kala duwanaansha afafka Maay iyo Maxaatiri wuxuu lamid yahay kala duwanaanshaha u dhexeeya lahjadaha af-Maxaatiriga reer-Waqooyi, reer-Bari, reer-Gobollada Dhexe, iyo reer-Banaadir.
  1. Aragtidu (theory) waxay farqiga u dhexeeya afafka Maay iyo Maxaatiri ku dhistaa keliya adeegsiga dhawaaqa xarfaha “Xa” iyo “Ca” oo ku jira af-Maxaatiriga balse aan ku jirin af-Maayga. 

Waxayna ku micneysaa in ku adeegsiga xarfahani (X iyo C) ee af-Maxaatiriga ay sabab u tahay iyagoo dadkaasi ahaa reer guuraa iyo xiriirkii ay la lahaayeen dadyowga carabta; halka dadka labada webi dega ee ku hadla af-Maayga ay ahaayeen dad aan guurguurin oo deggan wax xiriir (contact) aan la sammeynin dadyowga carabta.

  1. Waxay ku andacoonaysaa in labadaan af ee Maay iyo Maxaatiri ay wadaagaan in ka badan boqolkiiba sideetan (80%) marka laga eego xagga erey bixinta taasoo ka sareysa qiimeynta lagu qiimeeyo kala duwananaanshaha luqadaha ee ah haddii ay wadaagaan in ka badan boqolkiiba konton (50%) in labadaas af ay isku af yihiin, haddii kalana ay kala duwan yihiin.

Haddaad si fiican ugu kuurgashid fahamka aragtidaan waa mid ka fog xaqiiqda qaaciddooyinka cilmiyeed ee la isticmaalo marka lays barbardhigayo laba shey; marka la kala soocayo laba shey; iyo marka la sababaynayo dhacdo horey u dhacday oo aan loo haynin daliil cad oo go’an. 

Aragtidaan waxaad mooddaa inay salka ku hayso siyaasaddii dowladihii dalka horey usoo maray ee Soomaalidu waa isku af, waa isku dhaqan, waa isku diin iyadoo afka loola jeedo af-Maxaatiri, dhaqankana loola jeedo dhaqanka dad-Maxaatiri. 

Xaqiiqatan Soomaalidu waa isku diin laakiin isku af iyo dhaqan toona ma ahan.

Bal aynu midmid isu dul taagno saddexda qodob ee ay wax ku dhiseyso aragtidaan ee ku xusan halka sare.

  1. Si aanay kaaga hoos bixin doodda, waxaa muhiim ah in marka hore aad fahamto farqiga u dhexeeya af iyo lahjad ee lagu isticmaalayso aragtidaan.

Af waxaa loola jeedaa AF gooni u taagan sida af-Carabi, af-English, af-Talyaani iyo Af-Soomaali (Maay iyo Maxaatiri). 

Halka lahjad loola jeedo kala duwanaanshaha dhawaqa ee u dhexeeya dad ku wada hadla hal af sida af-Maxaatiriga reer-Waqooyi, af-Maxaatiriga reer-Bari, af-Maxaatiriga reer-Mahaddaay iwm. 

Wax dhib ah malahaateen hadday meesha ku reebaan, laakiin waxay af-Maaygii ku darayaan lahjadaha hoos yimaada af-Maxaatiriga! 

Mar kalana waxay leeyihiin afafka Maay iyo Maxaatiri waa laba lahjadood oo hal af ka wada tirsan kolkaasoo lahjaddii af-Maxaatiriga ay noqotay af-rasmi ah halka af-Maayguna noqday af-guri! 

Hadday labada af (Maay iyo Maxaatiri) ay yihiin laba lahjadood oo ka wadatirsan hal af-Soomaali, maxaa keenaya doodda ah in af-Soomaaliga rasmiga ahi yahay af-Maxaatiri maadaama af-Maaygu yahay afka asalka ah af-Maxaatiriguna yahay farac (waa sida aad qabtaane)?  Waxay ku jawaabayaan, af-Maxaatigu wuu qoran yahay laakiin af-Maaygu ma qorna. 

Waa hagaag, haddii af walboo aan qorneyn uu noqonayo lahjad taasi micnaheedu waxay noqoneysaa in af-Soomaali rasmi ahi aanu jirin ka hor intaan la qorin af-Maxaatiriga (1970s).  Dhanka kalana, maadaama hadda la aqoray af-Maaygii uu isna ka baxay af-gurinimadii oo uu noqday af-rasmiya.  Mise af-Maayga weligii kama bixi karo af-gurinimada?  Dooddaan waxaan ku saleeyey waa haddaan idinku raacno sida aad qabtaane, waa kane bal idinku meel saara doodda hana is waafaqaano sheegashada waxa aad sheeganeyso iyo lisaanu-xaalkaaga muujinaya xaqiiqda waaqiciga ah.

  1. Haddaba akhristoow adiguba is weydiiye, ma waxaa siman ama isku mid ah kala duwanaanshaha u dhexeeya dhawaqa lahjadaha af-Maxaatiriga ee aan soo xusnay iyo af-Maay oo dhinac kale ah?  Xusuusnoow akhristoow, marka hore waxaa lagu soo yiri Maay iyo Maxaatiri waa isku hal af dabadeedna waxaa lagu leeyahay waxaad lamid tahay lahjad ka mid ah lahjadaha af-Soomaaliga. 

Waxaa la leeyahay, farqiga u dhexeeya af-Maay iyo af-Maxaatirina wuxuu lamid yahay farqiga u dhexeeya lahjadaha ku jira gudaha af-Maxaatiriga sida inuu af-Maaygu yahay lahjad ka mid ah af-Maxaatiriga.

Sida saxda ah waxay tahay in lays barbardhigo labada af ee Maay iyo Maxaatiri keliya ee aan lays barbardhigin farqiga u dhexeeya lahjadaha ku jira gudaha af-Maxaatiriga iyadoo looga qiyaas qaadanayo af-Maayga. 

Haddii lays barbardhigayo waxay ku habooneyd in lays barbardhigo farqiga u dhexeeya lahjadaha ku jira gudaha af-Maxaatiriga iyo lahjadaha ku jira gudaha af-Maayga (lahjadda reer-Bakool, lahjadda reer-Baay, lahjadda reer-Qansaxdheere, lahjadda reer-Buurhakaba, lahjadda reer-Daafeet, lahjadda reer-Afgooye, lahjadda reer-Awdheegle, lahjadda reer-Luuq iwm).

  1. Aragtidu (theory) waxay farqiga u dhexeeya afafka Maay iyo Maxaatiri ku dhiseysaa keliya adeegsiga xarfaha ‘X’ iyo ‘C’. Tani waxay ku tuseysaa sida aragtidaan ay u tahay mid xujadeedu aad u tabardaran tahay.   Sida saxda waxay ahayd sida loo sheegay xarfaha ‘X’ iyo ‘C’ ee ku jira af-Maxaatiri balse aan ku jirin af-Maay in sidoo kale iyana la sheego xarfaha ‘P, JH, TH, GH, NG, ‘Y iyo Y’ ee ku jira adeegsiga ama ku hadalka af-Maayga balse aan ku jirin af-Maxaatiriga. 

Sida aan halka hoose ku arki doonno xuruuftaan todobada (7) ah waa xuruuf kamid ah asalka higgaadda xarfaha farta af-Maayga ee ma ahan, sida ay ku andacooneyso aragtidaas, kuwa ka dhashay kala gedisnaanta dhawaqa lahjado wada hoos yimaada hal af.

Aragtidaas (theory) waxay ku sababeysay adeegsiga xarfaha ‘X’ iyo ‘C’ xiriirkii ay dadka ku hadla af-Maxaatiriga la sammeeyeen dadyowgii Carabta. 

Kaba soo qaad inay sidaasi tahay, marka waxaa lagaa doonayaa inaad meel saarto adeegsiga lixda shibane iyo halka shaqal (P, JH, TH, GH, NG, ‘Y) iyo Y’) ee ku jira af-Maayga balse aan ku jirin af-Maxaatiriga?  Iyana ma dad kaley xiriir la sammeeyeen, hadday jiraanse waa kuwee?  Dadka af-Maxaatiriga ku hadla maxay uga tageen isticmaalka xuruuftaan toddobada ah ee aasaaska u ah af-Maayga hadday markoodii hore ay af-Maay ku hadli jireen?

Haddii xiriir Carab lala sameeyo keliya ay arintu tahay waxaan ku weydiinayaa deegaanada labada webi miyaanay ahayn deegaanadii ay Soomaalida weligeedba usoo doonan jirtay barashada culuumta Islaamka gaar ahaan Quraanka? 

Quraanka iyo culuumta Islaamka ma waxay ku qornaayeen far-Carabi ama far kale?  Dadka deegaanadaan dega iyagoo aanay xiriir la sammeynin dadyow Carab ah miyey iska noqdeen xeeldheerayaal laga barto Quraanka oo far-Carabiga ku qoran? 

Maxay dadka deegaanada labada webi u qaadan waayeen isticmaalka xarfaha X iyo C maadaama ay iyagiiba yihiin dadka laga soo doonto culuumta farta Carabiga ku qoran?  Ogoowe, waxaan dhihi karaa dadka labada webi (raggooda) boqolkiiba boqol waxay ahaayeen dad qora oo akhriya xuruufta Carabiga maadaama ay Quraanka iyo culuumtiisa khubaro ku ahaayeen, maxay xuruuftaasi (X iyo C) u saameyn weydey afkooda Maayga?

 

La soco qeybta labaad (continue…..).

Isaak Hassanow

Melbourne, Australia

Unishef@live.com

Xigasho (reference):

1.  Buugga ALIF MAAY, KULUNG TECHNICAL COMMITTEE

2.   http://www.bbc.co.uk/somali/war/2010/11/101105_mansuur.shtml


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply