LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Kaffeega Oo Saameyn Ku Leh Koritaanka Caruurta

Kaffeega iyo shaahiga ayaa waxaa la ogaadey iney saameyn weyn ku leehiyiin koritaanka caruuta, xilliga ay haweenka uurka leeyihiin, sida ay sheegtay Cilmibaaris ay suubisay Hay’ad la yiraahdo Sahlgrenska Akademin, sahankaas oo lagu suubiyey haween uurleh oo gaaraya tiradooda 59000.

Cilmibaristaaan waxaa lagu ogaadey in arintaan ay xiriir la leedahay, haweenka raacey taladaan oo cabay ugu badnaan labo koob oo Kaffee ah maalin kasto, xilliga ay uurka leeyihiin.

Waxaa kale oo la ogaadey in haweenka isticmaaley kafeeyga ay dhalaan xilli ka hor hiligii dhalmada, iyo caruurta dhalato oo culeykooda uu noqday mid hooseyo.

Verena Sengpeli, oo ah dhaqtarardii Cilmibaariskaan ka dambeeysay, mar ay wareysi siineysey Taleefishinka Svergie, SVT ee Galbeedka Sweden, ayaa wax ay sheegtay in ay kula talineyso, bukaankeeda iyo weliba haweenka uurka leh iney aad u yareeyaan isticmaalka maadada Koffeinet.

NB: (Koffeinet, oo ah maato saameyn ku leh xididdda iyo dareenka qofka, waxaa ay ku jirtaa ama laga helaa cabitaanada iyo cuntooyinka qaar, sida shaaha, kafeega, cabitaandada tamarta dheeradka ah laga helo iyo miraha la cuno qaarkood)

 

Warbixintaan waxaan laga soo xigtay Wargeyska Tidningarnas Telegrambyro (TT) oo lagu daabacey 20 February 2013 20:07 oo ku soo baxdo wadanka Sweden.

 

Warbixintaan waxaa tarjumay

 

Abdulkadir Abukar Sheikh

Somali Arlaadi Förening i Örebro (SARFÖ), Sweden

Email: aasheikh@live.com


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID