Johnnie Carson, kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada dalka Mareykanka oo shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa waxa uu u hanjabay kuwa uu ugu yeeray qaswadayaasha Soomaalida kuwaasoo kasoo horjeeda in Soomaaliya ay dastuur yeelato madaxweyne cusubna la doorto marka uu dhamaado xiliga kumeelgaarka.
Johnnie Carson waxa uu sheegay inay cunaqabateyn kusoo rogi doonaan cidkasta oo kasoo horjeesato geedisocodka nabada iyo weliba dastuur u sameynta dalka Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayay cida ay saameynayso cunaqabateyntaas ayuu ku sheegay cidkasta oo kasoo horjeesata inay Soomaaliya yeelato dastuur cusub iyo madaxweyne amaba haku jirto dowlada amaba banaanka haka ahaato, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Sarkaalkaan oo katirsan wasaarada arimaha dibada dalka Mareykanka ayaa waxa ay noqonaysaa booqashadiisa midii ugu sareysay ee uu masuul Mareykan ah ku tago magaaladaas mudo 20 sano ku siman.
Dhanka kale Johnnie Carson waxa uu sheegay in cunqabateenada ay kusoo rogayaan kuwa uu ugu yeeray qaswadayaasha ay kamid yihiin in safarada laga xanibo, in lacagaha dibadaha u yaalo laga fariisiyo iyo tallaabooyin kale.
Dalka Mareykanka ayaa ah dhaqaale bixiye weyn oo dhanka dowlada KMG Soomaaliya iyo weliba ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM isaga oo dhawaana ku yaboohay aduun gaarayo 33 milyan oo dollarka Mareykanka ah sidii loosoo sheegi lahaa macluumaad ku saabsan halka ay ku suganyihiin saraakiisha sare ee Xarakada Alshabaab.
Sarkaalkan ayaa intii uu joogay magaalada Muqdisho waxa uu la kulmay madaxweyne Shariif iyo raisalwasaare Gaas.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com