Wednesday, June 19th, 2013

Juventus iyo Realmadrid oo ku wada guuleeystay Horyaalada serie A da iyo La liga aha Iyo 2 Manchester oo weli iska daba jiitamaya. (Sawiro)

 

 

 

Waxaa todobaadka soo socdo biloowgiisa soo gabagaboobi doona horyaalada qaarada yurub kuwoo ugu caansan oo  kala ah  horyaalka Englan, spain iyo Italy oo ay kawada harsanyihiin min 1 kulan marka laga reebo kan la liga ee wadanka spain oo todobaadkii hore soo gabagaboobay waxaana cup horyaalka wadanka spain ku guuleeysatay kooxda faca weyn ee Real madrid.

 

Dhanka kale horyaalka seria A wadanka talyaaniga ayaa waxaa ku guuleeystay kooxda juventus ka gadaal markii laga awood roonaaday koodxa Ac milan oo juve  ku soo daba jirtay islamarkaana ka dambeeysay  1 dhibi oo qura waxaana Ac milan  ka awood roonaatay naadiga ay isku garoonka yihiin ee Inter milan oo u dhiibtay 4 goal  halka Ac milan na ay keensadeen 2 goal oo uu u ansixiyey laacibka reer Sweden ee zlatan ibrahimovic ,guuldarada Milan soo gaartay ayaa waxa ay fursad u noqotay Juventus oo cabsi ka qabtay hanashada horyaalka wadanka talyaaniga waxa ay juve 2-0 iskaga reebtay Kooxda caglieri oo ay ku marti gelisay garoonkeeda magaalada torino , waxaana garoonka is qabsaday sawaxan iyo farxada dakiina waxaa ay soo buux dhaafiyeen garoonka marka ay ciyaarta dhamaatay , waxaana juve ay sidaask u heshay cupkeedii 30 aad ee seria A da wadanka talyaaniga .

 

Waxaa sidoo kale meel xasaasi ah maraya horyaalka wadanka Englan ee premier league waxaana wada badiyey labada naadi ee reer mancheaster oo isku heeysta ku guuleeysashada horyaalka wadankooda ,balse waxa ay isku heeysashadooda soo af jarmeeysaa todobaadka soo  socdo oo noqon doono todobaadka si aad ay dadka u xiiseeynayaan hadii ay labada koox wada badiyaan waxaa cup ka ku guuleeysaneeysa Mancity oo Goal lal badan ku heysa balse labada kooxood waa isku dhibco waxaana labada kooxood ay ku wada dhici doonaan kooxaha kala ah QPR oo serie b ka carareeyso ayaa waxa ay booqan doontaa garoonka Etihad stadium ee magaalada manchester  gaar ahaan garoonka kooxda mancity waxaana hadal heynta ugu weyn ay tahay ’’ Mancity Malagu dhegi doonaa mise weey badbaadi doontaa ’’ taas oo sabab looga dhigay hadii kooxda QPR laga badiyo waxa ay galeeysaa Seria B waxeeyna ku qasbantahay in ay difaacato in ay horyaalka heerka koowaad ay joogto, halka manchester united na ay marti u noqon doonto kooxda sundertland balse la arki doonee kooxda ku guuleeysata  cup ka .

Axmed Vidic

Baidoa media Sport, Sweden.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply