LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

“Jubaland-ow yaa ku leh? – Ma Kenyaati mise Soomaali?”

Dhulkan saddexda gobol ah ee in Jubaland in loo bixiy la rabo waa mid ka kooban isku darka Gobol weynihii Jubada Hoose oo Jilib laga jarey (oo maan Jubada Dhexe ka mid ah) iyo qeyb gobol weynihii Jubada Sare oo laga soo jaray ah sida degmooyinka Dolow, Buulo Xaawo, Luuq, Baardheere, Garnahaarey , Buur-Dhuubo oo hadda Gedo wada ah iyo Ceel Waaq, Saakow,  Dujuuma iyo Bu’aale oo hadda Jubada Dhexe ah. Qaar Ceel Waaq Gedo ayey raaciyaan laakiin dowladii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) Jubada Dhexe ayey raacisey.

Beesha Qeybaheeda Degaankeeda Wadarta Degmooyinka
Beesha Shanaad
  1. 1.       Baajuun
Kismayo iyo Jasiiradaha 2
  1. 2.       Jareer Weyne-Mushunguli
Jamame, Jilib, Kumsuma, Dujuma, Marerey 5
  1. 3.       Ajuuraan
Baardheere, Saakow, Bu’aale, Kismaayo 4
  1. 4.       Carab Soomaali
Kismaayo, Buulo Gaduud, Baardheere 3
Daarood
  1. 1.       Mareexaan-ka Gedo
Garbahaarey, Buur-Dhuubo, Buulo Xaawa, Luuq,  Kismaayo 5
  1. 2.       Ogaadeen-ka
Afmadow, Badhaadhe, Kismaayo, Baardhere, Bu’aale, Qooqaani 6
  1. Majertein
Kismaayo 1
  1. 4.       Bartire
Badhaadhe, Bilis Qooqani 2
  1. 5.       Awr-male
Kismaayo,Bilis Qooqani 2
DigilMirifle(Rahanwein)
  1. 1.       Gasaar Gude
Luuq, Buulo Xaawa, Dolow 3
  1. 2.       Goobaweyn
Luuq, Buulo Xaawa, Dolow 3
  1. 3.       Moalin Weyne
Luuq, Baardheere,Sakow,Bu’aale 4
  1. 4.       Geelidle
Baardheere, Saakow, Jilib, Bu’aale 3
  1. 5.       Eelay
Baardheere, Saakow, Bu’aale, Dujuuma 4
  1. 6.       Yantaar
Baardheere, Saakow, Bu’aale, Jilib, Kismaayo 5
  1. 7.       Hubeer
Baardheere, Saakow, Jilib, Kismaayo 4
  1. 8.       Luway
Baardheere, Saakow 2
  1. 9.       Gare
Ceel Waaq, Saakow, Bu’aale, Jilib, Kismaayo 5
  1. 10.   Tuni
Sakow, Jilib, Jamaame, Kismaayo 4
  1. 11.   Jiido
Dujuuma, Saakow, Bu’aale 3
  1. 12.   Hariin
Baardheere, Bu’aale, Sakow 3
  1. 13.   Leysaan
Luuq,Baardheere, Saakow, Buulo Xaawo 4
  1. 14.   Boqol Hore
Dolow, Baardheere, Saakow, Dujuuma 4
  1. 15.   Jiroon
Dolow, Luuq, Baardheere 3
  1. 16.   Reer Dumaal
Dolow, Luuq 2
  1. 17.   Dabarre
Baardheere, Saakow, Bu’aale,Kismaayo 4
  1. 18.   Waanjaal
Dolow, Baardheere, Kismaayo 3
Dir
  1. 1.       Biyo-maal
Jamaame, Jilib, Kismaayo 3
  1. 2.       Gaadsan
Dolow, Buulo Xaawa, Luuq 3
Hawiye
  1. 1.       Hiraab
Bu’aale, Jilib, Kismaayo 3
  1. 2.       Sheekhaal
Kismaayo, Jamaame, Jilib 3
  1. 3.       Gaal-jecel
Kismaayo, Bu’aale, Jilib 3

Goboladan waa kuwo intii 1960 ka bilaabatay ay Soomaali kale oo badan soo degtay kuwana waa laga bara qixiyey intii 1991 ka danbeysey. Hase ahaatee inta miiska sare ku taxan waa intii asal ahaan u deganeyd. Degmo walba waxa ay ka kooban tahay: miyi, buulo/tuulo iyo magaalo oo beledka uun ha fiirinin.

Waqti 22 sano ka badan ayey Soomaali kala riixaneysey dhulkan iyaga oo magacyo jabhado iyo magacyo kooxo diimeedyo kala sheeganaya qabiil keliyana wuu ku guuleysan waayey inuu xoog ku hanto si kasta oo uu dadka u baraciyey.  Waxaase kuwa dadka degaanka waxyeeleeyey ugu daran kuwa ka yimid beelaha ka soo duulay gobolada Soomaalida degto ee Itoobiya, Kenya, Somaliland, gobolka Galgaduud iyo Puntland.

Hadda oo ay qaar ka mid ah beelihii Itoobiya iyo Kenya ka soo duulay soo  kaxeysteen ciidan Kenyaati ah dhulkan in ka mid ahna kacanta ku dhigeen, dhinac waa “rabibaa mahad leh oo shisheeyihii Al Shabaab wadey iyo shartooda naga saarey”, dhinacna waa “waa baryow waxaad soo wado la arki doonee-  Ma isticmaar hor leh mise xoriyad danwadaag weheliso?”.

Kenya-se waxa ay si ay danteeda u gaarto xod-xodaneysaa laba beel oo keliya waa qeybaha beelaha ka soo duulay Itoobiya, Kenya iyo Galgaduud oo wadar ahaan ka yar 1% inta dhulkaas joogta ( kuma darin inta belahaas lala xiriiriyo dhulka asal ahaan u deganaa oo iyagu xitaa dhibaneyaal yihiin),  iyada oo ay u muuqato inay iyagana colaad hor leh dhex dhigeyso. Qabaa’ilada dhuka deganaan oo qiyaastii 99% ah qof wax weydiinayaba ma jiro.

Markaa mustaqbalka dhow ma 22 sano saa’id ah oo dagaal sokeeyaa?  Mustaqbalka fogna ma Jubaland oo Kenya qaadataa? Mise Soomaalida dhulka wada degan oo isfahamto, isqadariso, isku tanaasusho oo si cadaalad ahna wax u wada qeybsata sida dowlada Dhexe ee Federaalka Soomaaliyaba wax loogu qeybsadey.

Jubaland oo ay 5-ta beelood oo Soomaali ka kooban tahay wada degto lama mid ah Soomaaliland, Punland iyo Galmudug marka dhanka wada deganaanshaha beelaha iyo sida ay isugu dhafan yihiin laga eego. Magaca guud ee beelahan kuwooda agagaaraha Kismaayo wada dega waa GiirGiir oo micnaheedu qofka Soomaaliga ah ee Maay ama Maxaa tiri ku hadla fahmi karo.

Micnaha weyn ee uu magacoodaas leeyahayay waa mid ku saleysan diidista qabiil gooni ah iyo doorashada magac wadareed oo wada kulmiya. Xalka Koonfurta Soomaaliya ama Jubaland ma aha xoog wax ku raadis ee waa mid wada xaajood oo keliyaha ay Soomaalida wada degan ku gaari garto.

Waxaa haboon in wadahadalkaas looga dambeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo aan la go’aamineyn wax uusan ansixin Baarlamaanka oo ay beelaha Soomaaliya u dhan yihiin maadaama xildhibaanada oo dhan beelaha ay iska soo dhex doorteen. 

Waxaa kale oo haboon in hal Dowlad Gobeel oo ka dhexeysa Jubadii Sare, Jubada Hoose iyo koonfurta Benaadirtii hore (shebelleda Hoose) la wada dhiso si khilaafka dhulka iyo soohdimaha mustaqbalka looga hortago..

 

Qoraalka: A A Bulle, Msc, Email: maisodias@hotmail.com


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to “Jubaland-ow yaa ku leh? – Ma Kenyaati mise Soomaali?”

  1. roble wadani says:

    adoonta xabad ayaa looga saari doona, dadka meesha dega 99% waa hawiye iyo digil iyo mirifle iyo dir daarood waa dad dool meesha ku ah kenya sida shabaab ayaa loola diriri doonaa mar dhaw insha allah waxaa kawadaa jubooyinka gedo kuma darin maxaa yeelay mareexaan iyo raxanweyn ayaa wada dega sida aan maleynayo

HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID