Wasiir kuxigeenka wasaarada gaashaandhiga dowlada KMG Soomaaliya jeneraal Maxamed Cali Catoosh ayaa waxa uu ka hadlay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan gobolada koonfurgalbeed Soomaaliya gaar ahaan gobolada hada gacanta ugu jira ciidamada ee Bay iyo Bakool iyo weliba dib u habeyn ay ku hayaan ciidamadaas.
Jeneraal Catoosh ayaa waxa uu sheegay inay dib u dhis iyo dib u habeyn ballaaran ku sameynayaan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan labada gobol ee kala ah Bay iyo Bakool oo ay dhawaan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Itoobiya kala wareegeen Xarakada Alshabaab oo mudo sanado ah gacanta ku hayay goboladaas.
Hadalka wasiir kuxigeenka gaashaandhiga ayaa imanaya xili ay tababaro uga socdaan gudaha magaalada Baydhabo ciidamo katirsan dowlada KMG Soomaaliya kuwaasoo lagu wado inay qayb ka noqdaan ciidamada ka hawlagalaya gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya ee ay ku dagaalamayaan Xarakada Alshabaab iyo dowlada KMG Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
CATOOSH,
SUAAL AAN KU WEYDIIIYO, SHAQADA WAAD KU MAHADSANTAHEY. LAAKIIN, MAXAA KUUGU DHACEY MA TALIYAHA CIIDAMADA BAIDOA AYAA TAHEY MISE, WASIIR KU XIGEEN SOMALIYA OO DHAN. MISE SHARIIF HASSAN AYAA MEESHA II WAAR DIYEY YEE KU YIRI.
WAR MAXAA MEESH KU DHIGEY, OO DOWLADDA DHEXDEEDA LAGAAAGA WAAYEY. MEESHII ADIGA AAD KA MUUQAN LAHEED, KUWO KAA DARAJO HOOSEEYO AYAA MAALINKASTA KA MUUQDA MEEDIAYAHA IYO XARUMHA WAAWEYN EE DOWLADDA. WAR MEESHA KA TAG.
salaan sare, janral catoosh,
runtii allah aya awooda iska leh aniga iyo dadka kale an isku midka nahay
waynu kufaraxsanhay shaqda iyo hor, umarka aad kasameysee mesha habowlaha inoo ah insha allahu , illahay ha, idinka dhigo kuwii wax noqabta oo xaqeyna nosoo dhiciya waxan idin rajeynaya guul iyo barwaqo , amiin