Wednesday, May 22nd, 2013

Jeneraal Dhegabadan oo sheegay inay maalmaha soo socda qabsanayaan Marka.

Abaanduulaha ciidamada khalabka sida ee dowlada KMG Soomaalkha jeneraal C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa ka hadlay howlgalada ka socda gobolada dalka Soomaaliya isaga oo sheegay inaanu joogsan doonin howlgalkaas.

Hadalka jeneraalka ayaa imanaya xili ay shalay la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Dhana kale jeneraal Dhegabadan ayaa ka hadlay dagaalka gobolka Sh/hoose isaga oo sheegay inaysan cidna ka qarineyn oo ay maalmaha soo socda u socdaan qabsana doonaan magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.

“Waxaan goor dhow ka imid Nambar 50, wax jooga ma jiro, ciidankeyga difaacyadii uu qabsaday ayuu ku sugan yahay, sida Muuri iyo Laanta Buuro oo Ciidamada u aheyd xarun, xabsigii weyna Laanta Buuro, meelihii ay tababarka u isticmaali jireen anaga ayaa joogna”ayuu yiri Jen. Dhega-badan.

Hadalka jeneraal Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhega-badan ayaa kusoo aadayo xili Xarakada Alshabaab lagaga adkaanayo dagaalada ka socdo gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya sida labada Shabeele iyo gobolka Banaadir oo horay looga saaray.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply