Jawaab Celin Ku Socota Shabakad beeleedka Allbanaadir By: Shaam Ideer‏

<

Warka ay qortay Shabakada beeleedka Allbanaadir.com waan akhriyey laakin waxaa ay muujiyeen dad gogoshii lagu soo dhaweyey ku xad gudbay, sababtoo ah soomaali waa Maay iyo Maxaa ay u kala baxaan marka qabiilka laga soo tago.

Warbaahinta qaranka hada lagu sheego afmaxaa ga iska daayee waxaa loogu adeegaa beelo qaar ah, anigoo aan cidna dulmineyn, laakiin xilligaan waxaa la rabaa in wax laga badalo qaabka warbaahintaas u shaqesyo, waana sax warka ah in wariyeyaal ku hadla afmaayga laga howl galindoono.

Micnaheeda ma ahan in wariyeyaasha soomaalida ay ku kala lacag badnaanaayaan shaqadooda, laakin waxaay Allbanaadir.com muujisay Caadifad liidata oo ay ku dheehantahay dadnimo xumo.

Websit-yada aad kamidka tihiin, koley qabiil aad mar waliba meesha ku buunbuunisaan haduu musuq maasuq jiro Madaxa Laanta Socdaalka Gaafow warkiisa soo qora oo umada dhib ku haaya xag waliba, inkastoo aan ogahay in lagu qancinaayo beesha madaama xamar ay ku soo kordheen beel kale, xaqii aad ku laheydeen qaarna xoog ku qaatay, marka adoo dulman aad dad sii dulminee waa ayaan daro.

Allbanaadir.com ogow Prof. Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waa Aqoonyahan Wadani ah mana ahan qof qabiil ku shaqeeya loogana Bartay.

Midna Xasuusnaw Afka Maayga aad naceysid waa dadkii adoo lagu soo eryadey kusoo dhaweeyay.
Laakiin weelkii  wax la idinkugu siiyey ayaad ku xad gudubteen Allbanaadir.

Waadna ku mahadsantahay warkaas qiil weyn waaye oo guud ahaan kuwa maxaaga isku baheystay ay maayga cuqdad ugu qabaan.
Laakin Ogow Dhul Maguuro Afna Inta ay Jiraan Dadkiisa Ma Suulo.
Isku Xishooda Ilaahna u Noqda.

By: Shaam Ideer


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID