Melbourne, Shalay oo taariikhdu ay aheyd 30/10/2012, waxaa kulan ballaaran oo ujeeddadiisu ahayd kala warqaadasho iyo wadatashi isugu yimid xubnaha Jaaliyada Digil Mirifle ee ku nool magaaladda Melbourne, Austraaliya iyo Mudane Maxamed Aadan Farkeeti oo in dhowaalaba ku maqnaa gudaha dalka Soomaaliya isagoo ku howlanaa dhismaha dowlad-goboleed ay yeeshaan degaanada Koofurta Soomaaliya. Kulankaasi, waxaa ka soo qayb galay qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Jaaliyadda Digil Mirifle oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Jaalliyadda Mudane Awees Sheikh Muxiyadiin Amiin, Madaxa Guddiga Odayaasha Jaaliyadda Mudane Maxamed Cali Xaamud, Madaxda guddiyada kala duduwan ee Jaaliyadda, wax-garadka, aqooyahanada, culumaa diinka, haweenka iyo dhallinyarada.
Shirka waxaa lagu furay ayaado quraan, waxaan xiriiriye ka ahaa Aqoonyahan Isaak Hassanow (Unishef) oo ka warbixiyey ujeedada kulanka iyo qaabka uu u socon doono barnaamijka inta lagu guda jiro kulanka. Aqoonyahan Isaak wuxuu hadalka ku wareejiyey Guddoomiyaha Mudane Awes Sh. Muxiyadiin Amin oo ugu horeyn isagoo ku hadlaya magaca Jaalliyadda si diiran ugu soo dhoweeyey magaalada Melbourne Mudane Maxamed Aadan Farkeeti oo socdaal maalin ah kaga yimid magaalada Sydney, Australia. Dabadeed Guddoomiyuhu wuxuu guda galay inuu warbixin kooban ka bixiyo dhibaatooyinka ka jira guddaha wadanka iyo dibedda, iyo sidii loogu hor tagi lahaa ama loo xalin lahaa dhibaatooyinkaas.
Isagoo ka hadlaya arimaha gudaha Jaalliyadda wuxuu Gudoomiyuhu ku booriyey ka qeybgalayaasha kulanka in lagu dadaalo midnimada ummada, iyo waqti dhaw la qaban doono shir weyne looga arinsan doono arrimo muhiim ah oo la xariira habsami u socodka howlaha Jaaliyadda.
Warbixinta Gudoomiyaha ka dib, waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Mudane Maxamed Farkeeti oo mudo 7 bilood booqasho howl ugu maqnaa gudaha dalka Soomaaliya iyo waddamada deriska la ahba. Mudane Farkketi waxuu warbixin ka bixiyey arrimaha hoos ku qoran
Ugu dambeenti, Mudane Farkeeti, waxuu Jaaliyadda kula dardaarmay in ay adkeeyaan midnimada ummada, door libaaxna ay ka qaataan did u dhiska wadanka Soomaaliya.
Intaa ka dib waxaa la guda galay qeybtii barnaamijka ee su’aalaha iyo jawaabaha, iyadoo ka qeybgalayaasha wixii su’aal ahee ay qabaan si toos ah u weydiinayey Mudane Maxamed Aadan Farkeeti oo si hufnaan, aqoon iyo garasho siyaasadeed aad u xeeldheer uga jawaabay dhammaan su’aalihii halkaa lagu weydiiyey ee ku saabsanaa mowduuca kulanka ee ahaa dhismaha dowlad-goboleed ee degaanada koofurta Soomaaliya.
Kulanka waxaa soo gunaanaday oo halkaasi talo, tusaale iyo dardaaranba kasoo jeediyey rugcaddaaga siyaasadeed Mudane Maxamed Cali Xaamud. Mudane Xaamud wuxuu ka taariikheeyey berisamaadkii siyaasadda Digil-i-Mirifle, halka ay maanta wax marayaan iyo sida looga gudbi karo caqabadaha jira intaba.
Ugu dambeyntii waxaa shirkaasi ;
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com