Jaaliyadda Boqollhore ee dalka Ingiriiska ayaa si kulul u Cambaareeyay dilka Malaaq Cabdi Yuunis oo shalay galab lagu Toogtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.
Malaaq C/laahi Macallin Maxamed oo ku hadlayay magaca Jaaliyada Beesha Boqollhore ee dalka Ingiriiska ayaa dhaleeceyay dilka Malaaq Cabdi Yuunis oo si bareer ah dil loogu geystay magaalada Baydhabo.
Malaaq C/laahi waxa uu sheegay in aanay garaneynin sababaha loo dilay Malaaqa oo door muuqda ku lahaa dhaqdhaqaaqyada nabadda iyo dib u heshiisiinta gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya.
Malaaq C/laahi Macallin Maxamed ayaa Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG iyo Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Baay ka codsaday inay wax ka qabtaan dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee loogeysanayo Waxgaradka, Dhalinyarada, Haweenka iyo dadka rayidka ah.
Ugu dambeyntii Jaaliyada Beelaha Boqolhore ee Ingiriiska waxey codsanayaan in Baaris Deg Deg ah oo dhab ah lagu sameeyo Dilka Malaaq Cabdi Yuunis, lana Hor-keeno Cadaaladda ciddii ka Dambeysay Mas’uuliyadda dilka Malaaqa.
Ilyaas Qalinle
Warbaahinta Arlaadii London.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
asc dhamantiina waad mahadsan tahay webka baidoa media iyo ilyas qalanli ilahey ha u naxariiso malaq ibdow yunis ilaahey samar iman haku siyo hililkii ka tagey iyo dhaman digil iyo mirifle dadka sheeganaaayo masuuliyada gobolka bay waxaan dhihi lalaa waa markii labaad qof masuul ama wax tar uleh lagu dili bay ama ka soo jeedo besha boqol hore midaasi wax socon duuna maha waxaan u shegilahaa masuuliyeenta hada mesha juugo in ay wax ka qabtaa arinta mesha ku dhacdey