Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen jaaliyada Digil ee ku nool Waqooyiga Ameerika ayaa shaley gelinkii dambe waxaa uu ka dhacay magaalada windsor gobolka ontario dalka canada waxaana kulankaasi kasoo qeyb galey qaybaha kala gedisan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Odayaasha,Dhilnyarada,Haweenka iyo Aqooonyahanada ku abtirsada beelaha Digil.
Kulankan oo ahaa mid diirada lagu saarayey xaalada guud ee gobolka Shabeelaha hoose si gaar ahna xaalada cakiran ee ka jirta degmada Afgooye iyo weliba doorashooyinka ka bilaaban doona dalka Soomaaliya todobaadka soo scoda iyagoo weliba si gaar ah u dul istaagay is sharaxaada uu isu soo sharaxay gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan xilka madaxweyne-nimo ee dalka Soomaaliya.
Dood dheer ka dib ayaa kasoo qaybgalayaasha kulanka waxay isla garteen in wax dan ah ugu jirin Qawmiyada Digil iyo Mirifle is sharaxaada uu isu soo sharaxay gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan xilka madaxweyne-nimo ee dalka Soomaaliya waxayna ku nuux nuuxsadeen ka qayb galayaashu in intii uu ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan gudoomiyaha baarlamaan aanu habayaraatee wax u qaban Qowmiyada Digil iyo Mirifle
Waxayna tusaale u soo qaateen barakacayaasha kasoo barakacay dhulka KoonfurGalbeed ee ku jira ilaa iyo hada xerooyinka ku yaala magalada Muqdisho iyo weliba dadka dhul boobka ku jira oo isku balaarinaayaan deegaanada Digil iyo Mirifle.
Waxaayna sidoo kale isla garteen in Shariif Xasan Sheekh Aadan uusan aheyn qof u daran nafsadiisa oo kaliya balse uu yahay qof u daran danaha iyo horumarka shacabka Digil iyo Mirifle waxaa kale oo ay tusaale u soo qaateen dhacdadii ugu dambeysey kolkii Al-Shabaab laga saaray degmada Afgooye Madaxweyne Shariif iyo Wasiirkiisa arimaha gudaha ayagoo wata danaha beelahooda Hiraab waxa ay booqdeen degmada Afgooye in ka badan sedex jeer halka Shariif Xasan Sheekh Aadan booqasho daayee aanu xitaa warbaahinta kaga hadlin dhibta lagu hayo reer Afgooye iyo weliba boobka maamuleed ee hada ka jira degmada.
Gabagabadii kulanka ayaa waxaa baaq loogu diray dhamaan xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Qawmiyada Digil iyo Mirirfle si guud kuwa reer Digil si gaar ah in aysan codkooda ku luminin nin usoo shaqa tagey inuu baabi’iyo danaha iyo hurumarka Digil iyo mirifle waxayna ka codsadeen xildhibaanada iney mar walba codkooda siiyaan qofkii wada hanaha Digil iyo Mirifle korna u qaadi kara horumarkooda.
Yasin Abicar
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com