Magacyada Gudiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo 1-Gudomiye: Sh.Nuur Dheere tell: 0615593718 2-Kuxigeen Shariif Cabdalla Eelaay : 0615578320 3-Xiriiriye Bashiir Maxamed Aadan 0615590121 4-Maxamed Sh.Aadam 5- Macaani Sh.Sahal 6- C/Rashiid Sh .Maxamed Tarafiko

LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Ivory coast oo ku tumatay Tunisia.

Cayaar si weyn loo wada sugayay isla markaasna dhexmartay xulalka qaranka dalalka Ivory coast iyo Tunisia ayaa waxa ay noqotay mid guul daro weyn dusha u saarisay dalka Tunisia.

Cayaarta oo ka tirsanayd koobka qaramada qaarada Afrika ayaa waxa ay labada kooxood oo ku jira groupka D soo bandhigeen cayaar wanaag inkastoo uu nasiibku ka hiiliyay Tunisia.

Goolkii koowaad ayaa waxaa u dhaliyay xulka Ivory coast daqiiqadii 21aad cayaaryahan Gervinho taasoo hogaanka cayaarta siisay xulka Ivory coast.

Laba gool oo kale ayaa waxaa Ivory coast u kala dhaliyay cayaaryahanada Yaya Touré iyo Didier Ya Konan taasoo ka dhigtay natiijada cayaarta 3-0 oo ay guushiina raacday xulka qaranka Ivory coast.

Sidaasna waxa ay ka dhigtay Ivory coast mid u sareysa groupka ay ku jirto ee D. Isla caawa waxaa cayaaraya kooxaha Algeria iyo Togo.

Cayaaraha koobka qaramada qaarada Afrika oo sanadkaan lagu martigelinayo dalka Koonfur Afrika ayaa ah mid aad u xiisa badan ayada oo ay daawashadoodana ka qaybgalayaan kumanaan taageerayaal ah.

 

Baidoa media Sport.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID