Friday, May 24th, 2013

Itoobiya oo ciidamadeeda kala baxayso Baydhabo.

Waxaa ka socda magaalada Baydhabo dhaq dhaqaaqyo ay ciidamada Itoobiyaanka kaga baxayaan magaalada, ciidamadaan oo horay usoo galay magaalada ayaga oo taageerayo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay hada bilaabeen inay ka baxaan magaalada.

Ciidamo gaadiid dagaal wata oo Itoobiyaan ah ayaa shalay ka amba baxay magaalada Baydhabo ayaga oo kusii hakaday degmada Awdiinle ee isla gobolka Bay.

Dhanka kale waxaa ka socda gudaha magaalada Baydhabo agab aruursi ay wadaan ciidamada Itoobiyaanka ayada oo la arkayay ciidamada oo fariisimihii qaar ee ay ku lahaayeen magaalada iskaga baxaya.

Waxaa la filayaa inay ciidamada AMISOM bedelaan kuwa Itoobiyaanka sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo.

AMISOM ayaa waxaa kaga sugan gudaha magaalada Baydhabo dhowr boqol oo askari kuwaasoo diyaarado ku gaaray magaaladaas balse hada waxaa socda qorshe ay AMISOM ku doonayso inay xaga dhulka ku gaarto magaalada si ay ciidamo dheeraad ah iyo saanado milatari u gaarsiiso halkaas.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxa ay sidoo kale ku suganyihiin gobolada Gedo iyo Hiiraan halkaasoo sidoo kale ay ciidamada dowlada Soomaaliya taageerayaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa milatari ahaan ku tiirsan dalalka deriska sida Kenya iyo Itoobiya iyo weliba ciidamada AMISOM ee ka kala socda dalalka Uganda, Burundi iyo Djibouti maadaama aanay lahayn ciidamo tayaysan oo haysta hub ku filan cuna qabateyn xaga hubka ahna ay saarantahay Soomaaliya.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply