Friday, May 24th, 2013

Iskusoo bax ballaaran oo lagu taageerayay Prof. Jawaari oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Iskusoo bax weyn oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ka dhacay magaaladaas maanta salaadii Jimce ka dib.

Kumanaan dadweynaha magaalada Baydhabo ah ayaa waxa ay iskugusoo baxeen sidii ay taageeradooda ugu muujin lahaayeen gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dhawaan xilkaas loo doortay.

Dadweynaha ayaa waxa ay siteen boorar ay ku qoranyihiin hal kudhigyo ay ku taageerayeen Prof. Jawaari ayaga oo sidoo kale watay sawiradiisa.

Iskusoo baxa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa kusoo aadayo xili ay meelo badan oo gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya ka dhacayaan xaflado lagu taageerayo guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka gaar ahaan gudoomiyaha baarlamaanka.

 

Xafiiska war qabadka baidoamedia ee 

Baydhabo Janaay.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply