Isku Aadka koobka qaramada Afrika ee 2013, ayaa Xalay lagaga dhawaaqay magaalada Durban, ee Waddanka Marti galanaya Ee South Africa, waxaa ka qeyb galaya ilaa 16 dal oo goor hore usoo baxay Isreeb-reebkii Koobkani.
Kadib marki lagu dhawaaqay Qaabka ay isku wajihi doonaan Group-yadaa la sameeyay oo ka kooban afar Group, ayaa durbadiba waxaa loo caleema saaray Group-ka dhimashada
Group D, oo kuwada jiraan Ivory Coast, Togo, Tunisia iyo Algeria.
Xulka marti galinayo koobka Qaramada Afrika 2013, Ee South Afrika ayaa Group A, kula biirtay Xulalka Cape Verde, Morocco iyo Angola, waana Xulal aan la dhayalsan Karin qatartooda ku aadan Koobkani,
Waxaa farta lagu fiiqayaa Group B, oo u muuqada mid xiiso gaar ah leh kadib markii madaxa la isku galiyay Xulalka Ghana, Mali ,Niger iyo Dr Congo.
Halka Group C, ay foodda isdari doonaan Xulka Nigeria oo loo sadaalin karo inuu wacadaro ka dhigo Koobkani waxeyna is haleeli doonaan Zambia, Burkino Faso iyo Ethiopia.
Ugu dambeyntii, Koobka Qaramada Afrika oo marti galinayo Xulka lagu naaneyso Bafana Bafana ayaa bilaaban doona 19-ka Janawari
Group A: South Africa, Cape Verde, Morocco, Angola.
Group B: Ghana, DR Congo, Niger, Mali.
Group C: Zambia, Burkina Faso, Ethiopia, Nigeria.
Group D: Ivory Coast, Algeria, Tunisia, Togo.
Aadan Xasan Maxamed
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com