Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo oo gobolka Mudug caasimad u ah ayaa waxa ay sheegayaan inuu halkaas iska hor imaad hubeysan ku dhex maray maleeshiyo hubeysan kaasoo in mudo ah socday.
Isku dhaca maleeshiyaadkaan oo ka dhacay bartamaha magaalada Gaalkacyo halka loo yaqaano Bile Rafle ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday laba kamid ah maleeshiyadii ay dirirtu u dhexaysay halka shan kale oo ay lababa yihiin rayid ku dhaawacmeen.
Weli lama oga sababta ay u dagaalameen dableydaan ayada oo aanay ka hadlin maamulada Galmudug iyo Puntland oo ka kala arimiya dhinacyada waqooyi iyo koonfureed ee magaalada.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com