Dowlada Iran ayaa waxa ay dal dashay nin ay ku sheegtay inuu katirsanaa sirdoonka hay’ada MOSAD oo ah hay’ada Israa’iil u qaabilsan xaga sirdoonka iyo weliba fulinta dilalka qorsheysan.
Majid Jamali Fasho oo 24 jir ah ayaa waxaa lagu dal dalay xabsiga Evin kadib markii ay dowlada Itan ku xukuntay ddil bishii Agoste ee sanadii lasoo dhaafay.
Iran waxa ay sheegtay inuu ninkaasi qirtay dembiga uu galay, ninka ay dowlada Iran dal dashay ayaa waxaa lagusoo eedeeyay inuu geystay dilkii lagula kacay seynisyahan xaga nukliyeerka ah oo u dhashay dalka Iran sanadii 2010.
Iran waxa ay ku eedaysay Israa’iil iyo Mareykanka inay ka dambeeyeen dilal loo geystay afar kamid ah seynisyahanadeeda tan iyo sanadii 2010kii si ay u curyaamiyaan barnaamishka Iran ee xaga nukliyeerka kaasoo ay dalalka reer galbeedka kaga shakisanyihiin inay Iran ku qarinayso sameysashada hubka nukliyeerka.
Israa’iil oo ka gaabsatay dilka ninka u shaqaynayay hay’adeeda sirdoonka ee MOSAD ayaa waxa ay ku tilmaantay barnaamishka xaga nukliyeerka ee dalka Iran inuu yahay halis ayada oona ku goodisay inay ka qaadayso tallaabo milatari taasoo uu Mareykanku dafiray inuu wax door ah ku leeyahay.
Fashi oo ah ninka ay dowlada Iran dal dashay ayaa qirtay inuu hada kahor u safray magaalada Tel Aviv si uu tababar ugusoo qaato halkaas oo ay hay’ada MOSAD soo tababartay dibna uu ugusoo laabtay dalka Iran si uu u fuliyo dilalkii loogu talagalay inuu u geysto seynisyahanada reer Iran.
Dalalka Iran iyo Israa’iil ayaa dhowr jeer is dhaafsaday hadalo hanjabaadyo u badan kuwaasoo laga yaabo inay dhaliyaan isku dhac xaga milatariga ah.
Iran waxa ay horay u sheegtay inay Israa’iil ka baa bi’in doono qariirada caalamka haddii ay isku daydo inay soo weerarto barnaamishkeeda xaga nukliyeerka oo ay Iran inta badan ku doodo inuu yahay mid nabadgelyo ah oo ayna u adeegsanayso oo keliya
dhalinta quuwada korontada.


Hubka la sheegay inuu u adeegsaday dilka. (AFP)
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com