Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ku geeriyooday gudoomiyihii ugu horeeyay ee uu yeesho baarlamaankii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen kaasoo dhawaanahaanba xanuunsanayay.
Sheekh Mukhtaar ayaa ahaa siyaasi rugcadaa ah balse siyaasada iskaga haray mudooyinkii ugu dambeeyayba isaga oo dowladii rayidka ahayd ee dalka Soomaaliya soo martay xoriyadii kadib noqday gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Dhamaan hawlwadeenada shabakada warbaahinta Baidoamedia.com waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo ehelkii uu ka tagay Sheekh Mukhtaar iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isagana waxay Alle uga baryayaan inuu Janadiisa Fardowso ahayd ka waraabsho.
Hoos ka dhegayso taariikh nololeedkii Sheekh Mukhtaar.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
FG: Taariikh nololeedka Allaha u naxariistee Sheekh Mukhtaar waxaa horay u diyaariyay wariye Maxamed Aadan Afyarey waxaana soo jeedinayo wariye Aadan Maxamed Shanta.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
Inaalillahi wa inaa Ilayhi Raajicuun, Alle ha u naxariisto Sheekh Mukhtaar, Janadii Fardowsa ahyd Alle haka waraabiyo, intuu ka tageyna sabar Jamiil ah Alle haka siiyo, Anagana gadaashiis Ilaahey nama fidneeyo Aamiin Aamiin Aamiin.