Sunday, May 19th, 2013

In ka badan kun qof oo Shabaabnimo darteed loogusoo qab qabtay maanta magaalada Muqdisho.

Hawlgal ballaaran oo ay qabteen ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya laamahooda kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta lagusoo qab qabtay in ka badan kun qofood oo looga shakisanaa Shabaabnimo.

Sida uu sheegay taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Banaadir ee dowlada KMG Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg, hawgalka ayaa ka dhacay degmooyinka kala ah Dayniile, Huriwaa, Yaaqshiid iyo Wardhiigleey si loo xaqiijiyo amaanka degmooyinkaas.

“Howl galkan aad aragtaan saakay ayuu bilowday, waxaa lagu soo qab qabtay ilaa kun iyo boqol qof, markii dambe waa kala saarnay, ilaa 135 qof ayaa hada la hubaa inay ahaayeen Shabaab, waa niman rasmi ah oo la yaqaan, xabsiga ayaana loo gudbiyay”ayuu yiri Khaliif Axmed Ereg.

Hawlgalkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay inuu ahaa kii ugu ballaarnaa ee dhawaanahaan ka dhacay gobolka Banaadir waxaana ka qayb qaatay boqolaal ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya ka tirsan.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply