Ugu yaraan 1000 askari oo Soomaali ah ayaa saakay oo Khamiis ah waxaa tababar mudo lix bilood ah uga socday xerada Kamambe ee duleedka Kampala ugusoo xiray halkaas taliyaha ciidamada khalabka sida ee Soomaaliyeed jeneraal Cabdulkqaadir Sheekh Diini.
Ciidamadaan oo kamid noqon doona ciidanka khalabka sida ee Soomaaliyeed ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa ay mudada lixda bilood ah qaadanayeen tababaro kala duwan oo xaga ciidamada ah ayada oo ay tababarkana siinayeen qubaro milatari oo ka socday dalalka midowga Yurub oo bixiya dhaqaalaha lagu meelgeliyo tababarka ciidamada xooga Soomaaliyeed.
Horay ayaa kumanaan ciidamo Soomaali ah tababaro loogusoo siiyay dalka Uganda ayada oo ay sidoo kalena Uganda ka joogaan dalka Soomaaliya kumanaan ciidamo ah kuwaasoo qayb ka ah ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Afriaka ee AMISOM.
Mudooyinkii ugu dambeeyayba waxaa socday dadaalo dib loogusoo nooleynayo heybadii iyo karaamadii ciidamada khalabka sida ee Soomaaliyeed taasoo meesha ka baxday wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee Allaha u naxariistee mudane Maxamed Siyaad Barre.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com