Monday, May 20th, 2013

Arday kasoojeedo koonfur galbeed soomaaliya oo ka qalin jibisay heerar kala duwan ee wax barasho oo ka dhacay dalka suudan+ sawir‏o

xalfadaani oo ahayd mid qiimo badan leh u dhacdayne si heer sare ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka ardayda koonfur galbeed ee soomaaliya kaasi oo xarun tiisu tahay dalka suudan.

Dadkani oo iskugu jiro kuwa ka qalinjibiyay heeerarka kala duwan ee degriga iyo jaamcadaha kala duwan kuwaas oo ku yaala dalkani, heerarka ay ka qalinjibiyeen ayaa waxa uu iskugu jiray, Bacholar, High Diploma, Master iyo PHD.

Ardadaan loo qabtay xaflada qalinjibinta ah ayaa dhamaantood ka soo jeeda koonfur galbeed ee soomaaliya iyadoo qabashada xafladani ay isku howlay ururka ardayda koonfur galbeed soomaaliya.
kulan kani aadka u qiimaha badnaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Safaarda Soomaaliya ee sudan, Jaaliyada Soomaliya iyo

Aqoonyahano , Arday iyo wax garad intuba iyadoo xaflada ay si fiican uga qeyb qaateen madaxda Ururka Midowga Ardayda Soomaaliya ee dalkani Sudan.
tirada qalin jibiyaasha ayaa waxa ay gaareesay 19 qafood kuwassi oo ka qalinjibiyay heerarka kala duwan ee wax barasho.
isku soo wada duub xafladaani ay ururka ardayda koonfur galbeed e somaliya ay uqabatay ardaydii ka soo jeeday dhulkaasi ayaa waxee noqoneesaa tii ugu horeesay ay qabato xaflad ama dabaal dag ceyn kaani oo kale.

Caadil xaaji cabdi

Baidoa media.

khartoum-sudan

caadil33@msn.com


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply