Human Rights Watch iyo Ururka suxufiyiinta qaranka soomaaliyeed oo si wada jir ah u cambaareyay Xariga loo geystay Wariye Abdiaziz Abdinur Ibrahim Koronto kuna baaqay in dib loosiiyo xuriyadiisa

Human Rights Watch ayaa cambaareysay Xariga loo geystay Wariye Abdiaziz Abdinur Ibrahim “Koronto” kaasi oo katirsanaa Idaacada Dalsan ee Magaaladda Mogadishu,

 

Hay’adda ayaa waxa ay sheegtay in loo baahan yahay in wariyaha la horkeeno cadaalada hadii ay jiraan wax lagu haysto, ama la iska sii daayo hadii aysan jirin dambi lagu soo xirtay saxafiga.

 

Daniel Bekele oo ah ninka u qaabilsan qaarada AFRICA hay’adan oo mar uu hadlay ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in aysan ahayn wax wanaagsan inuu sii xernaado Wariye Abdiaziz, mar hadii aysan Muuqan dambiyo lagu haysto.

 Sidoo kale  xoghayaha guud ee  Ururka saxafiyiinta qaranka soomaaliyeed  (NUSUJ) Maxamed pakistaan ayaa waxuu dowlada ugu baaqay in dib loo siiyo madax banaanidiisa wariye koronto, maadaama aysan soo cadeyn dambiga rasmiga ah lee lagu heesto wariyahani.

10 January 2013 ayay ahayd Markii ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda Wariye Abdiaziz Koronto waxaana warar dambe oo soo baxayay ay sheegayeen in aan la ogayn haatan Meesha uu ku xiran yahay.

Waxaa warar hoosaad aanka helnay qarkamid ah ciidamada dimbi baariska ayaa ku eedeeyay wariye cabdi casiis inuu wareysi kaqaaday gabadh lagu kufsaday magaalada muqdisho islamarkaana si live ah looga daawaday telvisionka caalamiga ah ee aljaseera.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID