Thursday, June 20th, 2013

Howlgal ballaaran oo dad lagusoo qab qabtay oo ka socda maanta magaalada Baydhabo.

Wariyaha baidoamedia.com ee magaalada Baydhabo ayaa waxa uu soo sheegayaa inuu magaaladaasi ka socdo maanta hawlgal ballaaran oo dad lagusoo qab qabtay kaasoo ay wadaan ciidamada amaanka dowlada KMG Soomaaliya ee gobolka Bay.

Hawlgalka oo uu horkacayo wasiir kuxigeenka wasaarada gaashaandhiga dowlada KMG Soomaliay jeneraal Maxamed Cali Catoosh ayaa waxaa lagusoo qab qabtay dad fara badan oo looga shaki qabo inay xiriir la leeyihiin Xarakada Alshabaab inkastoo ay dad badan oo aan waxba galabsan kujiraan dadka lasoo qab qabtay sida uu wariyaheenu soo sheegayo.

Hawlgalka ka socdo Baydhabo maanta ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili gelinkii dambe ee shalay uu dil ka dhacay gudaha magaalada kaasoo loo geystay qof rayid ah oo kamid ahaa dadka magaalada ku dhaqan.

Baydhabo ayaa mudooyinkii ugu dambeeyayba waxaa kusoo badanayay dilalka lagula kacayo dadka aan waxba galabsan ayada oo aan si dhab ahna loo ogeyn cida ka dambeysa dilalkaas oo inta badana dusha loo saariyo Xarakada Alshabaab oo horay looga qabsaday magaalada.

 

Xafiiska warqabadka

Baidomedia.com ee Baydhabo.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply