LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

HOWLGAL BALLAARAN OO AMAANKA LAGU SUGAYO DAD BADANA LAGUSOO QABTAY OO MUQDISHO LAGA FULIYAY.

Howlgal ballaaran oo ay iska kaashanayeen ciidamada nabadsugida qaranka, kuwa milatariga iyo kuwa booliska Soomaaliyeed ayaa xalay ilaa maanta laga fuliyay degmooyin ku yaala gobolka Banaadir.

Howlgalka oo diirada lagu saaray degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa waxaa lagusoo qab qabtay dad ay tiradoodu gaareyso 477 kuwaasoo siyaabo kala duwan loogusoo qabtay degmooyinkaas intii lagu guda jiray howlgalka.

Taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay inay baaritaano ku sameynayaan dadka lasoo qabtay iskanasii deyn doonaan kuwa aan dembiga lahayn balse ujeedkoodu uu yahay 137 qof oo ay ciidamadu raadsanayeen.

Dhanka kale, jeneraal Axmed Xasan Maalin oo ah taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay inay sii daayeen dadkii dembiyada lagu waayay isaga oo kula dar daarmay inay dadkaasi la shaqeeyaan ciidamada amaanka si buu yiri amaankooda loo sugo.

Ciidamada nabadsugida dowlada Soomaaliya ayaa inta badan ka fuliya degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee caasimada Muqdisho maadaama ay weli ku suganyihiin gudaha magaalada ciidamo ka haray Xarakada Alshabaab qaraxyo iyo weerarana ka fuliya gudaha magaalada.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID