Wednesday, May 22nd, 2013

Hoobiyayaal xalay lagu garaacay degmooyinka Boon dheere iyo Shibis.

Inta la ogyahay afar ruux ayaa ku geeriyootay madaafiic hoobiyayaal ah oo habeenkii xalay ahaa lagu weeraray degmooyinka Boon dheere iyo Shibis.

Degmada Boon dheere ayaa uu qasaaraha ugu badan ka dhacay ayada oo ay ku geeriyoodeen ilaa 3 ruux oo ay kamid ahayd haweenay umul ah ayada oo ay madaafiicdu ku dhaceen guryo ay deganaayeen dad rayid ah iyo xero lagu magacaabo Buulo maqaar oo ku taalo isla degmada Boon dheere.

Xerada ay ku jireen dadka barakacayaasha ah ayaa waxaa ku dhaawacantay 10 ruux oo dhamaantoodba loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho ayada oo ay welina dhex yaaliin xeradaas madaafiic aan qarxin.

Dhanka kale wiil dhalinyaro ah oo goob ganacsi ku lahaa suuqa Maana booliyo ee degmada Shibis ayaa geeriyooday kadib markii ay madaafiic ugu tageen goobtiisa ganacsiga.

Lama oga sababta loo bar tilmaameedsaday xaafadaha ay ku dhaqanyihiin dadka rayidka ah iyo cida ka dambeysay weeraradii xalay ayada oo aan la ogeyn halka loola dan lahaa weeraradaas.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply