LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Hogaamiyaha ururka Xamaas oo dalkiisa kusoo noqday 45 sano kadib. (Sawiro)

Khaalid Mashcaal, hogaamiyaha ururka Xamaas ee reer Falastiin ayaa maanta dib ugusoo laabtay dalkiisa hooyo ee Falastiin kadib markii uu ku noolaa musaafuris mudo 45 sano ah.

Mashcaal oo kasoo gudbay marinka Rafax ee u dhexeeya Masar iyo Qaza ayaa markii uu gudaha usoo galay dhulka Falastiiniyiinta sajuud la dhacay ayada oo ay soo dhaweeyeen tiro hogaamiyayaasha kooxaha reer Falastiin oo uu ugu horeeyo raisalwasaaraha Falastiin ee garabka Xamaas ahna hogaanka Xamaas ee Qaza Cimaaciil Haniya.

Booqashada Khaalid Mashcaal ee marinka Qaza ayaa ah tii ugu horeysay ee uu weligiis ku yimaado halkaas.

'' Waxaan rajeynayaa inuu Illaah iga dhigo shahiid ku shahiido dhulka Falastiin, Qaza'' sidaas waxaa yiri Khaalid Mashcaal wax yar un kadib markii uu kasoo talaabay marinka dhanka koonfureed ee Rafax gudahana usoo galay dhulka Falastiin.

Khaalid Mashcaal ayaa ka tagay dhulka reer Falastiin isaga oo 11 sano jir ah halmarna mudo kooban dib ugusoo laabtay Falastiin sanadii 1975 wixii markaas ka dambeeyayna uu musaafuris ahaan uga maqnaa dhulkiisa.

Mashcaal ayaa wariyayaasha u sheegay in imaatinkiisa uu yimid dhulkiisa hooyo ay ka dhigantahay dhalashadiisii sadexaad, taasoo uu ula jeeday ku dhalashada uu ku dhashay Falastiin, ka bad baadid uu ka bad baaday isku day ay Israa'iil ku khaarajin rabtay isaga oo ku sugnaa Jordan sanadii 1997dii iyo dib ug

buy cialis

usoo noqoshada uu maanta dib ugusoo noqday dhulkiisa.

Dhawaan ayuu dalka Masar heshiis xabad joojin ah kulasoo saxiixday dowlada Israa'iil kadib dagaalkii sideeda cisho ee ay Falastiiniyiinta badani ku dhinteen, wixii markaas ka dambeeyayna waxaa la hadal hayay inuu Khaalid Mashcaal dib ugusoo laabanayo dhulkiisa oo uu mudada dheer musaafuriska uga maqnaa.

Baidoa media.

zp8497586rq


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Comments are closed.