Thursday, June 20th, 2013

Hogaamiyaha Alshabaab oo markii ugu horeysay ka hadlay qabsashada Kismaayo iyo arimo kale.(Dhegayso)

Hogaamiyaha Xarakada Alshabaab Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr oo loo yaqaano Axmed Cabdi Godane ayaa ayaa fariin uu ku soo beegay Hambalyada Ciidul Adxa kaga hadlay arrimo badan oo ka mid ah Soomaaliya iyo dalalka Caalamka.

Axmed Godane oo ka hadlyay dagaalada ka socda dunida Islaamka ayaa waxa uu yiri,

“Is bedelada dhacay waxaa ka mid ah nidaamyadii xeyndaabka u ahaa Yuhuuda oo bur buray, iyo Jihaadkii oo dhul cusub ku fiday, Suuriya, Libiya, Masar, Mali iyo Nigeria, guuldarada gaalada kala kulmeen dagaalka Ciraaq iyo Afganistaan”.

Isaga oo ka hadlayay soo gelitaanka ciidamada Kenya ee dalka Soomaaliya iyo kuwa kale ee ka tirsan AMISOM ayaa waxa uu yiri,

“Hadafka duulaanka gaalada waxaa uu yahay boobka qeyraadka dalka, shidaalaka iyo macaadinta, markii uu aduunka bur bur dhaqaale soo wajahay, Soomaaliyana ay ka dhigteen keedk ka mid ah keedadkooda, waxay taas keentay in nidaamka ridada KMG laga saaro, si heshiis u galo, qeyraadka dalka lagu xalaashado”ayuu yiri Abuu Zubeyr.

Fariinta hogaamiyaha Alshabaab oo ahayd mid dheer ayuu sidoo kale kaga hadlqay howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya waxa uuna yiri,

“Duulaanka AMISOM waxaa ku yimid guuldarooyin badan, faa’iidooyinkooda uu noqday hal bacaad lagu lisay, ujeedooyinka ay u socdeen ay gaari la’yihiin, waxaa shaqeynaya dhamaan wilaayaadkii islaamiga waxaa marag u ah hadii ay tahay Garsoor, Caafimaad iyo Xisbo”

“Magaalooyinka tirada yar ee cadawga soo galay qaarkood wilaayaatka islaamiga ayaa maamula, waxaa beenowday riyadii cadawga ee ku dhisneyd in magaala madaxyada gobolada hadii la soo galo maamulka wilaayaadka Islaamiga ay u dhamaan doonto”ayuu yiri Hogaamiyaha Al-Shabaab oo intaa ku daray in goobaha ay ku baaheen AMISOM uu fursad u yahay Mujaahidiinta inay weeraro ay kunaafeeyaan xilli walba ku qaadaan.

HOOS KA DHEGAYSO.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHEGAYSATID KHUDBADA ABUU ZUBEYR

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply