Heesta Garaadlaay oo dhashay heeso badan, bal nala daawo.

Ayada oo ay horay fanaanada caanka ah ee kooxda Waayaha cusub ahna xaaska fanaanka Shiine Aqyaar u qaaday hees la magac baxday Garaadlaay ayaa waxaa soo baxayay heeso kala duwan oo intooduba wata muusigii heestii ay horay u qaaday fanaanada Falis Cabdi Maxamuud kuwaasoo qaarna ayada loogu jawaabayay qaarna lagu difaacayay.

Hadaba heesta Garaadlaay oo ay fanaanada Falis horay u qaaday ayaa uu abwaankii sameeyay Liibaan Cabdi Warsame sheegay inuusan cidna ula jeedin ee uu si caadi ah u sameeyay inkastoo ay dadka qaar u fasireen inay heestu ku socotay fanaanada Ikraan Caraale oo la sheego inuu mar xiriir kala dhexeeyay Shiine Aqyaar inkastoo aanay midkoodna si dhab ah u cadayn.

Heesta Garaadlaay ayaa waxaa jawaab kasoo bixiyay fanaanada Shukri Siindiko oo si toos ah u weerartay fanaanada Falis ayada oo hees ay ugu magacdartay Juun iyo Jaar ugu jawaabtay Falis, Shukri ayaa la sheegaa inay saaxiibo yihiin fanaanada Ikraan Caraale.

Intaas kuma ekaanine, waxaa sidoo kale hees jawaab ah oo ku socota fanaanada Falis ay ka timid fanaanad cusub oo reer Hargeysa ah taasoo lagu magacaabo  Xamda Queen heestaan ay qaaday fanaanada cusub ee Xamda waxa ay wadataan muusigii tii hore ee Garaadlaay, magaceeduna waa Gardaran.

Sheekadu intaas kuma joogsane waxaa jawaab ku socota fanaanada Xamda Queen qaaday fanaanada reer Nairobi ee Sagal Arts, heestaasoo lagu magacaabo Gaf badan.

Hadaba heestii Garaadlaay ayaa waxa ay noqotay heesta loogu hadal haynta badan yahay marka ay timaado fanaaniinta da’da yar ayada oo ay si qaldana fanaaniin badan u fasirayaan islamarkaasna hadaanan la joojin xifaaltanka iyo isku jawaabida fanaaniinta weliba gaar ahaan gabdhaha ah waxaa dhici karta inay dhib kale keento!

Hoos ka daawo heestii Garaadlaay iyo dhasheeda!
By Falis.

Juun iyo Jaar By Shukri Siindiko

Gardaran By Hamda Queen

Gaf badan By Sagal Arts

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID