Sida ay dhigayso taariikhda soomaaliya ee ku qoran luuqada english ka, fanka soomaaliya waxaa u kabillowday gobollada waqooyi waxaana la oran jiray ninkii ugu horeeyey ee qaada hees somali ah oo laxamaysan cabdi deeqsi warfaa CABDI SINIMO
cabdi sinimo iyo gabar la oran jiray khadiijo ciye dharaar ooo loo yaqaano hada hooyadii fanka soomaaliyeed ayaa waxay maalin kasta gitaar lawareegi jireen magaallada boorame iyagoo dadkii xilligaas kaga yaabsaday waxaan horey aynan u arkin oo ahaa gitaarka.
kadib markii dadka meel ay kagallaan ay waayeen ayaa ciidamadii ingiriiska ay cabdi iyo khadiijo u sameeyeen hool ay ku dhigaan riwaayad ayna ku heesaan iyadoo boqollaal dad ay kaga soo qayb galli jireen. markii dadkii magaallada boorame ay aad ugu riyaaqeen ayay cabdi iyo khadija oo wata gitaar ay u boqooolleelladaa agan dhankaas iyo saylac kadibna jibouti halkaas oo ay kula kulmeen fanaaniin kalle oo ay kamid ahaayeen HUSSEN AARE MIICAAD, CABDILLAAHI GARAB YARE, KOOBALI CAASHAAD, XAASHI WARSAME, NUURIYE CATIIB,
HEESTANA WAXAA KAMID AHAA MIRAHEEDA.
Markii cabdi boorama laga masaafuriyay
illeyn jaahil jin iyo xoog mallahoo
intaan jiifay waax malay jarayoo
jabayoo jilbis jeeb la ii geliyoo
jidhkaygii is gallay jidhiidhicadii
jiradahaan magansaday ima ay jalinoo
afkay iga soo jufeeyeenoo
jawhariyo luullaay
jiidhka igu yaaleey
alla ma joogee
jeex dhan bay maqaneey
jawhariyo luulaay.
Mohamed Magen.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com