Tuesday, May 21st, 2013

Hay’ada nabadsugida Soomaaliya oo soo bandhigtay dhalinyaro Shabaab ah iyo waxyaabihii ay aasayeen. (Sawiro)

Hay’ada nabadsugida qaranka ayaa waxa ay maanta kusoo bandhigtay magaalada Muqdisho ilaa iyo sadex wiil oo aad u da’yar kuwaasoo ay hay’adu ku sheegtay inay katirsanyihiin Xarakada Alshabaab islamarkaasna ay aasayeen waxyaabaha qarxa ayna ku aasayeen qaybo kamid ah degmada Yaaqshiid.

Taliyaha nabadsugida gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in wiilashaan oo aad u da’yar la marin habaabiyay waa sida uu hadalka u dhigaye ayaga oo lagasoo qabtay deegaanka Kookakoolada ee degmada Yaaqshiid.

Wiilasha maanta lasoo bandhigay ayaa waxaa sidoo kale lalasoo bandhigay walxaha qarxa oo la sheegay inay aasayeen xili habeenimo ah.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply